Cawo-Daran Ciil Kama Koraa Qaba ( Abdi-Shotaly).

0
Saturday December 14, 2019 - 08:14:33 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1523
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cawo-Daran Ciil Kama Koraa Qaba ( Abdi-Shotaly).

    Nafta aan loo jid bixinayni, silic iyo darxumo bay u dhimataaye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nafta aan loo jid bixinayni, silic iyo darxumo bay u dhimataaye
( waa sidda mamaul goboleedka Somalilande). Hees uu qaadi jirey (Ihun) Axmed Mxamed Good ( shimbir loo yaqanaa), oo uu ka qaadaayey riwaayaddii la odhan jirey " Barkhad Cas" baa waxa ka mid ahaa ereya-deedda " Yam-yamkoo kaloo yalam-laynayaa, i hor yaacayee, ma yahaaburaa? Ma yaxaas jinaa? Ma yac geeslaa", markaasuu weliba isagu isu jawaabaayey, oo uu lahaa waa la yaaban-yee, idin-kuna dadyaw mayla yaabn tihiin? Waxa kaloo ku jirey " Yucub midha lahoo la yegleela-yaan yura leeyahee, Indho yuudhan iyo dhego yuuban, baa i soo yu'anayee". Waa sidaase akhristaw, Waxa Hargeysa ka taagani waa indhahaa yuuqan iyo dhegahaa yuuban, yucub-kaas midhaha lihi, ee la lulayaa waa somaliland oo la dhamaystay. Dhamaan dhalintii reer somaliland waxay u galeen ama qabteen Xamar, wiigan oo keliya baa 253 ka mid ahi tageen, oo xafiis gaar ah looga furey lagu badbaadi-naayo. kuwii ka shaqayn jirey garoonka diyaaradaha ee Cigaal ( Hargeysa), waxay tageen Puntland oo shaqo siisay. diyaaraddii Al-carabiya, waa tii ka ashta-kootay ee tidhi qaar aan wax garanayn baa noo sheegay in hawadu dhan khaldan ka imanayso, ee dabeed Jabuuti fadhiistay, sidaana lagu xidhay weriyihii TV-ga Home Cable ee soo sheegay. ee la yidhi maxaad u qarxi-naysaa sirtaas.

 

Waxa meesha ka jiraa waa Cawo-Daran (Somaliland weeyee) oo ciil kama kore-yaal u gacan gashay, aan micno iyo tallo midna aan u garanayn. Kuwii hore looga inaab-saday ( waa Raggii ma adigaa ka hadhay iyo geenyo shaaximane), oo aan weligood goob ay lib ka keeneen hore iyo dib mid-na aan loo arag saw may kufsan, oo siddii doqonkii may odhan " Caashaay Macaanaa". Waxa xidhi-xidhan Abwaanaddii oo uu ka mid yahay Abwaan Baashe, Weriya-yayaashii sidda Cabdimaalik Muse Codoon, waxa dalka ka baxsaday markii xadhig loo diyaariyey Shaqaalihii Hadhwanaag, oo kala ah " Tafa-tirihii, A/Rahman sheekh, iyo Good oo qaadi jirey wereysi-yadda. waxa jeelka ka buuxa macali-miintii sidda Cbadilqaadir Nuur, hooyooyin buraan-burey baa iyana xabsiga loo taxaabay, Ciidankii ilaalin jirey Gudoomiyaha Xusbiga Waddani Mudane Cabdirahman Cirro, baa 24 maalmood bilaa sharci laguhaystaa, Kuwii isku sheegi jirey waxa nala yidhaahaa madasha, oo awel-ba markay askartu waxay doonayaan walaaqayeen aan juuq ka odhan jirin, isku qarin jirey dhex-dhexaad baanu nahay, oo hadeer bood-boodaaya baan iyana aragnaa. Wakiilo ku sheega iyo golaha noqday meel la iska dhaxlo, siddii ay xoola aabahood ka tegay ( Waa guurti ku sheega'e), baa iyana sharci darro laba sano iyo saddex sano isugu dhuftay. maxakamadi ma jirto oo amarka askariga bay wax ku xukuntaa, siduu yidhaahana waxay go'aamisaa, distoor iyo sharci dabadda baa laga tuuray, haba yaraatee wax meesha yaalaa ma jiraan, ee waa qaataye qaado.

 

Waxa intaa ka sii xun oo aan ku soo xidhay maqaalkan, Hore baa loo yidhi " Nin ambaday halkuu maray way ula ekoonayde" Waa kaas qarda-jeexay askariggii jaahilka ahaa, ee hadda meel uu cuskado la',  kolkuu qaato makara-foonkaba wax aan loo fadhiyin ka dhataq siinaaya, siddii  lo' xaaluf daaq ahayd oo dood ka dheregtay. wuxu yidhi Ismaaciil Mire " Ragaw kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado" , Qaasima wuxu yidhi " Nin kastoo kash-bacay kelyuhu, way ka soo dhadhiye". Waxan uga socdaa tani sidan ku sii socon mayso, oo afartii taayir-ba dhulkay fadhiyaan, mishiinkii wuu isku dhalaalay, shicibkii saarnaa way la saydhiyey, siddii qaalin layli ah oo rarkii qubay, intuu cidla kula buubay, bay afartii baabaco dhulka ka qaaday, karin bay ka dhuushay, oo way dhaawac beeshay, waxa weliba inta au sii dheer, iyadda oo aan haysanin cid aasta oo calaa-qala iilka dhigta, ee hanba-deedda baa haadku gigayaa, xataa aanu harag-na ka soo hadhayn, qaarna ay meyd-keedda ugu sacab garaaca-yaan, oo ay dhogortii qudhuntay ee haadku ka xishaaday, ay ilaa hadda urursa-nayaan iyaka oo sidaas ku sheegaaya waa maamul saxa ah. Waxan ugu dambayn akhristaw kaga baxay, wax meesha yaalaa ma jiraan, waxa ummadda ka sii nool oo keliya lafahii ay feenteen cayayaanku, sidda qudhun daaqa door-yaanka, duqsiga iyo bahalaha hoose intii aya ku hirdami jireen, sidaas awgeed kani gelbey, soona noqoqn mayso, ee tani idin dhaaftaye maraqa caba.

 

* N.B Nin Kastoo Kash-baca Kel-yuhu, Way Ka Soo dhadhiye"

Qore:- Abdi-Shotaly.

 

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...