Afar Hablood Oo Mataano Ah Oo Dhiganaya Aroos Wadareed
India ayaa isla maalin qudha wada dhashay. Intay
jireen oo dhanna guri bay ku wada noolaayeen, meel bay wax ku wada cunaan dhar
isku eegna way gashadaan, xataa ilaa 15 jirkoodii iskuulkana meel bay wada
fadhiisan jireen.
Imika afartoodiiba waxay aqal gelayaan
isla maalin qudha.
Afartaa mataanood ee walaalaha ahi
waxay caan noqdeen isla maalintii ay dhasheen, warbaabinta gudaha dalkaasina
kacaa kufkoodii way la socotay.
Haatanna waa kuwan oo BBC-da ayay
waayahooda uga waramayaan.
Maalin farxadeed
Afarta hablood ee walaalaa ah oo la
kala yidhaa Uthra, Uthraja, Uthara, Uthama iyo walaalkood Uthrajan waxay
shantooduba dhasheen 18 Noofember 1995 waxaanay haatan doonayaan in ay isla
maalin qudha ay wada guursadaan sannadka dambe 26 Abriil.
"Xaafadayada waxa laga hadal hayaa waa aroosyadayad. Weli maanu soo iibsan Saadhigii xariirta ahaa ee aanu xidhan lahayn maalintaa afartayada mid waliba aroosadda tahay. laakiin waxaanu soo iibsan doonnaa dhar isku wada eeg oo isku wada nashqad ah" ayay tidhi Uthara.
Iyadu
waa saxafiyad ninka ay guursan doontaana isna waa weriye.
Arooskoodu
wuxu noqon doonaa mid dhaqan, waana sida badanaa gaobolkaa aroosyada loo dhigo.
Halka qofku isagu ka uu doorto guursado dunida kale, xagooda dadka waaweyn ee
qoyska ka tirsan ayaa door wayn ka ciyaara isku doorridda dadka is guursanaya.
Waxaana haatan shaqadaa qabatay hooyadood Rema Devi oo hablaheeda rag ay iyadu
u doortay u soo xushay iyada oo aadgsanaysa bog internet-ka ah oo geyaanku iska
doortaan.
Guurka
noocan ahi waa mid labada qof ee is guursanayaa ay isku dabaqad yihiin oo ay
isku dhigmaan xaga dhaqaalaha iyo tacliintaba. Dadka xidigiya ayaa eega burjiga
gabadha iyo wiilka ka dibna waxay ehelooda u sheegaan in ay isku haboon yihiin
iyo in kale.
Laakiin mahaa guur la isku qasbayo ee wiilka iyo gabadhu ba talo ayay ku leeyihiin qorshaha.
Maalintii loo soo geed fadhiistay waxay ahayd bishii Sebtember laakiin saddex ka mid ah ragga gabdha doonayaa way iman kari waayeen maadaama oo ay ka shaqeeyaan Bariga Dhexe.
Hablahan mataanah ah ee aan isku eekayni waxay haatan doonayaan in aroosyadoodu isku wada ekaadaan.
Waayo ay wada muteen
Habluhu
waxay tan iyo dhalashadoodii muteen waayo isku mid ah, walow aanu tartan
nololeed ka dhaxaynin taasina tahay arinta qaabaysay qofnimadooda.
Uthraja
tacliintay ku fiinaatay, Uthama-na waxay baratay muusigga oo waxay baratay sida
loo tumo violin-ka (dhex yarta) halka walaalkood Uthrajan isna bartay
darbuugadda.
Uthra waxay baratay nashqadaynta dharka. Uthraja iyo Uthama waxay noqdeen dhakhtarro suuxinta ku bartay.
Markay
damceen inay guursadaan, Uthraja ayaa ahayd tii ugu horraysay ee say hesha
sannadkii hore laakiin kuma ay degdegin go'aankaas.
Waan ku faraxsannahay in aanaan degdegin
"Hooyadayo
ayaan jeclaatay in aanu isku maalin wada aqal galno, dabeetana waxaanu
go'aansannay in aan isa sugno" ayay Uthraja BBC u sheegtay.
Qaban qaabada aroosku India waa qaali, qoysas badan ayaana mar qudha aroos u wada dhiga ubadkooda ama eheladaa is kaashata si kharashku aanu ugu badan.
Nasiib
wanaag se Uthraja iyo ninka ay is guursan doonaan arooska kumay degdegin.
Waa cusub
Waxay is guursanayaan Akash Kumar oo isna dhakhtar suuxdinta ah oo ka shaqeeya Bariga Dhexe.
"Run
ahaantii isbitaal baan ka wada shaqayn jirnay intaanu Kuwait u dhoofin., Mudo
dheer baan is naqaanay. Qoyskiisa aad bay ugu faraxsanaayeen in ay hooyaday u
yimaadaan" ayay tidhi.
Waxay
doonaysaa in ay laba sannadood shaqada ugu buuxsamaan si ay waayo aragnimo
badan u hesho oo ay dalka uga dhoofto. Ka dib na ay saygeeda ugu tagto marka
arooskoodu dhamaado ka dib.
Uthraja
waxay rejaynaysaa in ay shaqo ka heli doonto Kuwait.
Uthra iyo Uthama iyaguna waxa sidoo kale guursanaya rag ka shaqeeya Bariga Dhexe.
Shan dahab ah
Waalidkoodu
markay dhasheen shanta caruura ee mataanaha ahi aad bay ugu farxeen waxaanay u
bixiyeen "Pancharatna" oo macnaheedu yahay shanta dahabka ah.
Caruurtu tacliinta way ku dadaaleen laakiin caafimaad qabkooda ayay welwel weyn ka qabeen waalidku.
"Markay
dhasheen aad bay u miisaan yaraayeen, had iyo goorna way bukoon jireen"
ayay tidhi hooyadood Rema Devi oo waayadii hore dib u xasuusatay.
Aabahood
Prema Kumar iyo hooyadood Rema Devi ayaa u soo dhabar adaygay korinta shanta
caruura ee mar qudha wada dhashay. Hase yeeshee culayskii wuxu saameeyey Rema
Davi caafimaadkeeda.
Laakiin waxa masiibo ku dhacday markay habluhu sagaal jir ahaayeen. Aabahood oo tukaan qalabka xafiisyada lagu iibiyoo lahaa oo halkaa quutal daruuriga uga soo saari jiray ayaa kacay oo is dilay 2004.
Dedaal dadka intooda san lagu kobciyo
Markii qoyska uu ka dhintay odaygii masaariifta u soo saari jiray, ayaa warbaahintu tebisay masiibada ku habsatay. Dabeetana xukuumadda ayaa tallaabo qaaday oo shaqo bangi ka siisay Rema Davi.
"Waxaan
xoogga saaray in aan cauurtayda koriyo. Waxay shaqadaydu noqotay in aan
noloshooda iyo tacliintooda ku dedaalo" .
Kacaa
kufkooda waxa ka damqaday dhakhtar deganaa xaafadii ay ku noolaayeen oo guri ay
degaan siiyey, qoyskuna aad ayay mar walba ugu mahadnaqaan.
"Dhibaatadu qof intiisa fiican bay soo saartaa," ayay tidhi Rema Devi.
Dhamaan
shantoodu tacliinta way ka soo dhalaaleen tacliintii oo waxay ka qalin jabiyeen
jaamacadihii ay galeen.
"Hooyadayo aad bay u faraxsantahay. Waayo had iyo goor waxay dooni jirtay in aanu isku fillaano" ayay tidhi Uthara.
Warbaahinta oo isha ku haysa
Ehelada
dhaw iyo asxaabta oo kali ah ayaa lagu soo marti qaadi doonaa arooska.
Warfidiyeenka iyo sawir qaadayaasha ayaa iyagana la filayaa in ay ku soo
xoomaan.
"Inaan caan noqotaa waaba barako" ayay tidhi Uthara.
Maadaama
oo mataano shan ahi ay tahay dhacdo dhif ah ayey warbaahintu isha ugu haysaa
hablahan. Dhalashadoodii, intay wax baranayeen iyo ilaa haatan warbaahintu way
ka war haysay.
Dareen wadaag
Hablaha
waalaha ahi waxay haatan ka fikiraan siday hooyadood wax u tari lahaayeen.
Waxa kale oo ay sheegeen in ay weligood gacmaha is haysan doonaan.
"Xatii hadii ay noqoto in aan dalal kala duwan ku kala noolaano dareen wadaag baanu ahaanaynaa oo is iloobi mayno" ayay tidhi Uthra.
BBC