Midaynta Shacabka Somaliland Ee Doorashadii Madaxtooyada Ku Qaybsamay Ma Garxajis Oo Kuraasi Lagu Taxo Ayey Ku Imanaysaa?...Warbixin

0
Friday December 13, 2019 - 21:44:12 in News by
  • Visits: 7317
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midaynta Shacabka Somaliland Ee Doorashadii Madaxtooyada Ku Qaybsamay Ma Garxajis Oo Kuraasi Lagu Taxo Ayey Ku Imanaysaa?...Warbixin

    Midaynta Shacabka Somaliland Ee Doorashadii Madaxtooyada Ku Qaybsamay Ma Garxajis Oo Kuraasi Lagu Taxo Ayey Ku Imanaysaa?...Warbixin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Midaynta Shacabka Somaliland Ee Doorashadii Madaxtooyada Ku Qaybsamay Ma Garxajis Oo Kuraasi Lagu Taxo Ayey Ku Imanaysaa?...Warbixin


Hargeysa(HWN):-Tan iyo wixii ka dambeeyey doorashadii madaxtooyada somaliland ee qabsoontay dabayaaqadii sanadkii 2017 oo uu ku guulaystay Muuse Biixi oo ka sharaxnaa xisbiga Kulmiye waxa ay siyaasiyiin badani ku doodayeen in dib loo mideeyo shacabka oo ku qaybsamay doorashadii lagu kala calaf qaaday.




Muuse Biixi oo ay utun hore u dhaxaysay beesha Garxajis oo ay isku seegeen dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay halgankii ka dib ayaa doorashadaasi kaga guulaystay laba murashax oo ka soo jeeda beeshaasi, kuwaas oo markii laga adkaaday bilaabay qorsheyaal ay kaga soo horjeedaan.



Hogaamiyeyaasha xisbiyada Ucid Iyo Waddani ayaa bilawgii xukuumada bilaabay qorshe ay ku sheegayaan in shacabkii ay kala qaybisay doorashadu looga fadhiyo xukuumada Kulmiye inay dib u midayso isla markaana isku soo dhawayso.


Hogaamiyeyaasha xisbiyada Waddani Iyo Ucid iyo beesha ay ka soo jeedaan ee Garxajis ayaa Muuse Biixi oo ay gaws dambeedka ku hayaan waxa ay bilawgiii xukuumadiisa ku kiciyeen duufaano siyaasadeed iyaga oo ku eedaynaya inaanu nidaam cadaalad ah ugu qaybin dawladiisa beelaha wada dega somaliland.


Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Ciro) gudoomiyaha xisbiga Waddani ayaa mucaaridnimada uu kaga soo horjeedo Muuse Biixi waxa uu markiiba ka bilaabay inuu qayb ka noqdo shir ay beesha Garxajis iclaamisay oo ay ku qabsadeen buurta Gacan Libaax kuwaas oo ganafka ku dhuftay habka uu Muuse Biixi u qaybiyey dawlada uu soo dhisay waxaanay ku eedeeyeen dawlada cusub inuu dheeli ku jiro isla markaana uu Muuse Biixi sadbursiimo dheeraad ah siiyey beeshiisa, waxaanay cadeeyeen sida aanay ugu qanacsanayn saamiga uu ka siiyey xukuumada.


Beesha Garxajis waxay shirkaas ku xoojisay dooda ay qabeen doorashadii ka dib taas oo ahayd in dib loo mideeyo shacabka somaliland ee ku qaybsamay doorashada isla markaana waxay Muuse Biixi ugu baaqeen inuu dib ugu noqdo dhismaha xukuumadiisa.



Waxa kale oo muuqatay in beesha Garxajis ay samaysatay jabhada uu hogaaminayo kornayl Caarre taas oo fadhigeedu yahay deegaanada beesha Garxajis ee gobolka Sanaag, iyada oo beeshu soo afjari karaysay jabhadaasi hadana waxa shacabka somaliland u muuqatay inay ka gaabisay taas oo qayb ka ah qorshaha ay Muuse Biixi kaga doonayaan kuraasta dheeraadka ah.


Sidoo kale Beesha Garxajis oo adeegsanaysa xisbiyada ay leeyihiin ee Waddani iyo Ucid ayaa siyaasiyiinta horboodaya oo iyaga u badan ku booriyey inay gaasta ku sii daraan qorshaha ay wateen ee midaynta shacabkii ku qaybsamay doorashadii madaxtooyada taas oo ay ka dhigteen shaadh iyaga uun leeg oo ay Muuse Biixi kaga doonaan xilal dheeraad ah oo aanay xaq u lahayn.


Laba sanadood oo ay siyaasiyiinta beesha Garxajis ku adimayeen midaynta shacabkii somaliland ee ku qaybsamay doorashadii madaxtooyadu, waxay doodoodu ku soo ururtay in beesha kaliya ee cadaalada darada ka tabanaysa somaliland iyo dawlada uu Muuse Biixi soo dhisayba ay kaligood yihiin, taas oo keentay in mar kasta oo xil cusub loo magacaabo ay ku doodaan in kala qaybsanaantii shacabku ay halkeedii taagan tahay iyaguna aanay ilaa hada gaadhin halkii ay doonayeen iyo kuraastii ay ka rabeen Muuse Biixi.



Siciid Sulub Maxamed oo ka mid ah kaadirka siyaasiyiinta beesha Garxajis oo Muuse Biixi dhawaan u magacaabay xil wasiir ayaa hada qaba in magacaabistiisu ay ka mid tahay qorshaha layskugu soo dhawaynayo bulshadii ku qaybsantay doorashadii Madaxtooyada, isaga oo madaarka Hargeysa ka soo dagay ayaanu warbaahinta sidan u sheegay "Xisbigan I magacaabay ee talada hayaa soo kulmiye maaha, Anigu Kulmiye miyaan ahaa?, anigu waxaan ahaa xisbiga Waddani balse madaxweynihii ii magacaabay kursigaas maanta waxaan u gartay sida nin kasta oo reer somaliland ah calooshiisa ku jirta inuu bilaabay midayntii dadka oo uu hore-na u waday imikana sii xoojinayo aniguna aan ka mid ahayn midaynta.”


Wasiir Siciid Sulub ayaa marka ay doodiisu sidaas tahay looga baahan yahay inuu ka jawaabo su,aashan " Midaynta Shacabkii Somaliland Ee Doorashada Ku Qaybsamay Ma Garxajis Oo Xilal Lagu Taxo Ayey Ku Imanaysaa?.


Dhinaca kale xisbigii Waddani oo ay u codeeyeen shacab badan oo reer somaliland ah ayaa haatan u muuqda mid isku rogay weel ay xilal ku raadsato beesha Garxajis isla markaana ay dhexmarsato siyaasadaha ay kuraasida dheeraadka ah kaga doonayaan Muuse Biixi.


Sidoo kale Muuse Biixi ayaa haatan u muuqda inuu u dhago nuglaaday dooda beesha Garxajis kaas oo wakhti xaadirkan lagu tilmaamo karo inuu yahay hogaamiye ay ka adkaatay beel kaliyi isla markaana ku taxay xilal sare oo ay hamuun u qabeen balse dheeraad ku ah oo aanay xaq u lahayn, waxaana hogaamiyaha Kulmiye laga dareemayaa sida uu uga cabsi qabo in beesha Garxajis ay kaga aargudato wixii uu ku sameeyey dawladii Cabdiraxmaan Tuur ee uu dhicitaankeeda ka shaqeeyey isla markaana dawladiisa ay wed u noqoto beesha Garxajis.



Dhinaca kale Beelihii xisbiga Waddani codka la garab istaagay doorashadii madaxtooyada isla markaana loogu sheegay inay qayb ku leeyihiin ayaa haatan ay lagama maarmaan u tahay inay dib uga fiirsadaan siyaasadii ay ku taageereen xisbigan, waxaana haboon in siyaasiyiinta aan u dhalan beesha Garxajis ee xisbigaasi ku jirtaa ay jiho kale ku hogaamiyaan beelahooda maadaama isbadal ku yimid ujeedadii xisbiga Waddani u taagnaa isla markaana uu noqday xisbi ay beel kaliyi ku adeegsato.


Ugu dambayn, Muuse Biixi ayaa isagana looga baahan yahay inuu ogaado in cida saluuga ka qabta dawlada uu hogaaminayo ee laba jirsatay aanay ahayn beesha Garxajis ee uu xilalka badan ku taxay balse ay jiraan beelo ilaa hada jawaab ka sugaya quudhsiga uu kula kacay ee uu qaarkood kaga sifeeyey dawladiisa halka kuwo kalana uu siiyey kuraasi lagu macnayn karo cad quudheed kuwaas oo uu ku taxay xubno aan saamayn ku lahayn deegaanadooda balse isaga u dhaga nugul..



La Soco Qaybo Kale Oo Aanu Ku Eegi Doono Siyaasadaha Ka Jira Somaliland Iyo Qorsheyaasha Beeluhu Ka Leeyihiin

Loading...
Loading...