Wasiir Siciid Sulub Muxuu ku Aqbalay Xilka Uu U Magacaabay Muuse Biixi Oo Ay Siyaasada Isku Hayeen?

0
Friday December 13, 2019 - 20:14:14 in News by
  • Visits: 3183
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Siciid Sulub Muxuu ku Aqbalay Xilka Uu U Magacaabay Muuse Biixi Oo Ay Siyaasada Isku Hayeen?

    Wasiir Siciid Sulub Muxuu ku Aqbalay Xilka Uu U Magacaabay Muuse Biixi Oo Ay Siyaasada Isku Hayeen?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Siciid Sulub Muxuu ku Aqbalay Xilka Uu U Magacaabay Muuse Biixi Oo Ay Siyaasada Isku Hayeen?


Hargeysa(HWN):-Wasiirka cusub ee wasaarada xanaanada xoolaha iyo kaluumaysiga somaliland Siciid Sulub Maxamed oo dhawaan Muuse Biixi xilkaasi u magacaabay ayaa ka hadlay qaabka uu ula shaqayn doono xukuumada Kulmiye ee talada dalka haysa.



Wasiir Siciid Sulub oo ku maqnaa wadanka Turkiga oo maanta gaadhay caasimada somaliland ee Hargeysa ayaa ka hadlay sida uu u arko xilka uu Muuse Biixi u magacaabay isaga oo ka tirsanaa xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.



Wasiir Siciid Sulu boo ka hadlaya xilka Muuse Biixi u mgacaabay ayaa waxa uu yidhi "Xisbigan I magacaabay ee talada hayaa soo kulmiye maaha, Anigu Kulmiye miyaan ahaa?, anigu waxaan ahaa xisbiga Waddani balse madaxweynihii ii magacaabay kursigaas maanta waxaan u gartay sida nin kasta oo reer somaliland ah calooshiisa ku jirta inuu bilaabay midayntii dadka oo uu hore-na u waday imikana sii xoojinayo aniguna aan ka mid ahayn midaynta.”


Sidoo kale Siciid Sulub ayaa soo bandhigay sababaha keenay inuu xilkan aqbalo waxaanu yidhi "xilkana waxaan ku aqbalay waa midayntaas, waxa kale oo aan ku aqbalay inaan dalka cidina iga lahayn Muuse Biixi iyo qayrkii toona oo wixii aan kordhin karo aan kordhiyo wixii dhiman ee aan sheegi karana aan sheego, ilaahayna iguma qaban waxaas wax ka hooseeya.”


Siciid Sulu boo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Dadka waxaan ku odhan jiray aniga haddii lay yeedho wixii aan talo moodo ama dan moodo dawlada waan u sheegayaa, dawladuna haday been doonayso oo aanay talo run ah doonayn aniga isku iman mayno haday run doonaysana waanu isnaqaanaa waxay odhan doontaa kaalay wuxuun kordhi”ayuu yidhi wasiirka cusub ee xoolaha iyo kaluumaysigu.


Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Loading...
Loading...