Maxaa Ka Soo Baxay Kulan Xisbiyadu Iskugu Yimaadeen Oo Madaxweyne Muuse Gudoomiyey?

0
Tuesday March 26, 2019 - 16:40:37 in News by
  • Visits: 3937
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Ka Soo Baxay Kulan Xisbiyadu Iskugu Yimaadeen Oo Madaxweyne Muuse Gudoomiyey?

    Maxaa Ka Soo Baxay Kulan Xisbiyadu Iskugu Yimaadeen Oo Madaxweyne Muuse Gudoomiyey?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa Ka Soo Baxay Kulan Xisbiyadu Iskugu Yimaadeen Oo Madaxweyne Muuse Gudoomiyey?

Hargeysa(HWN):-Waxa shalay mar kale madaxtooyada ka dhacay kulan dhex maray xisbiyada oo ku saabsan in isfaham iyo heshiis laga gaadho arrimaha doorashooyinka oo ay ugu muhiimsantahay mustaqbalka xubnaha guddiga doorashooyinka qaranka.




Kulankaas oo uu guddoominayay Madaxweyne Biixi, ma jiro wax war ah oo laga soo saaray, laakiin ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay in kulanka lagaga wada hadlay mustaqbalka guddiga doorashooyinka iyo weliba qaab dhismeedka guddiga dambe ee bedeli doonta xubnahan hadda oo uu wakhtigoodu kaga eegyahay dhammaadka sannadkan.


Xubnaha ka socday xisbiga Waddani ayaa soo bandhigay aragtidooda ah in guddigan la kala diro, iyadoo guddiga dambe ee doorashadana tiradooda la kordhiyo lagana dhigo sagaal xubnood, halka ay hadda ka yihiin 7 xubnood.


Xisbiga UCID, ayaa la sheegay inaanu soo bandhigin wax shuruud ah oo ku saabsan qabsoomida doorashada, wuxuuse soo jeediyay inay muhiim tahay in isfaham iyo heshiis la gaadho si loogu diyaar garoobo doorashada golaha wakiilada.


Madaxweyne Biixi ayaa isna la sheegay in isagoo uu taxadar badani ka muuqdo uu sheegay inuu diyaar u yahay wax kasta oo suurtogal ka dhigaya in doorashada golaha wakiiladu qabsoonto, wuxuuse carrabka ku adkeeyay in loo dhaariyay inuu ilaaliyo distoorka iyo shuruucda dalka oo ay ka go’antahay inaanu samayn wax aanu sharcigu ogolayn.


Inkastoo sida ay ilahan xogogaalka ahi sheegeen uu kulanku ahaa mid degen oo ka duwanaa kulamadii hore marka la eego jawiga lagu wada hadlayay, haddana ma jiro wax isfaham oo madashaas lagu gaadhay, waxaana dood dheer ka dib loo balamay in la isugu yimaado kulan dambe oo aan wakhtigiisa la cayimin.


Madaxweyne Biixi, waxa dhinacisa wehelinayay wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo markii u horaysay ka soo qayb galay wada hadalada xisbiyada iyo guddoomiye-xigeenka labaad ee KULMIYE Axmed Cabdidheere. Xisbiga UCID waxa kulanka uga qayb galay guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe, murashixii madaxweyne-xigeenka UCID Axmed Cabdi Abyan iyo Cabdinaasir Qodax oo ah ku-xigeenka xoghayaha guud ee UCID, halka ay xisbiga Waddani ka socdeen guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde, Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid iyo ku xigeenka xoghayaha guud ee xisbigaas Jamaal Jaamac Xaamud.

Loading...
Loading...