Doorashada UK: 3 Arrin Oo Sababay Guusha Conservative

0
Friday December 13, 2019 - 15:43:43 in Articles by
  • Visits: 1336
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorashada UK: 3 Arrin Oo Sababay Guusha Conservative

    Doorashada UK: 3 Arrin Oo Sababay Guusha Conservative

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Doorashada UK: 3 Arrin Oo Sababay Guusha Conservative


Doorashada UK in sida tan loo gu kala guulaysto oo xisbiga Conservative uu ilaa heerkaa xisbiga shaqaalaha ka ga gacan sarreeyo doorashada waxa sababteeda lahaa saddex ammuurood oo faracyo leh;




  1. Boris Johnson, oo la yimi hab-dhaqan hoggaamineed (leadership style), isaga oo go’aan cad oo aan labac labac ahayn ka qaatay arrinta Brexit. Waxa kale oo uu ku guulaystay in uu iska fogeeyo qaladaadkii xisbigiisu sameeyey isaga ka hor oo uu ugu weyn yahay arrinka gunti-giijisku (austerity) iyo tiimka uu xushay oo noqday tiim isku duuban oo hal xisbi iyo hal qaran ololahooda sal u ga dhigay (one-nation conservative)

  1.  Jeremy Corbyn, oo u muuqday hoggaamiye diciif ah, isla markaana go’aan cad ka qaadan kari waayey arrinta Brexit. Jeremy waxa uu dadka UK la hor yimi in uu saddex bilood gudahood uu kula xaajoon doono Yurub qorashe bixiseed (Brexit Deal), dabadeedna uu lix bilood gudahood dadka u soo bandhigi doono in ay qorshahaa u codeeyaan iyada oo ay dhinac socoto joogis (remain option), isaguna uu dhexdhexaad ka noqon doono oo aanu labada dhinac midna raaci doonin!

  2. Xisbiga Labour ka oo noqday mid wata aragtiyo kala duwan. Inkasta oo xisbiga inta ololaha u wadday ay dhanka Jeremy u socdeen haddana xisbigu ma ahayn mid aragti midaysan oo gun iyo baar ah wata.

    
Tani waxa ay innoo sheegaysaa in hoggaamintu ay tahay hal-adayg iyo in aad hore ugu socoto waxa aad rumaysan tahay oo aanad labo canlayn. Hoggaaminta aan ka leexleexan jidka ay saxa u aragto ee aaminsan in ra’yigeedu ka muc weyn yahay dhanka kale ayaa heli karta codka ummadaha ilbaxa ah sida UK oo kale.

Mohamed O. Hagi Mohamoud


 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...