Xukuumada Oo Shir Deg Deg Ah Ka Yeelatay Gurmad Loo Fidiyo Abaaraha Gobolada Bariga

0
Tuesday March 26, 2019 - 16:24:11 in News by
  • Visits: 1274
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Oo Shir Deg Deg Ah Ka Yeelatay Gurmad Loo Fidiyo Abaaraha Gobolada Bariga

    Xukuumada Oo Shir Deg Deg Ah Ka Yeelatay Gurmad Loo Fidiyo Abaaraha Gobolada Bariga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Oo Shir Deg Deg Ah Ka Yeelatay Gurmad Loo Fidiyo Abaaraha Gobolada Bariga


Hargeysa(HWN):-Shir Balaadhan oo uu Guddoominayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay ka qeyb galeen madax iyo masuuliyiin ka socota Hay’addaha Qaramada midoobay iyo hay’adaha samofalka ee Somaliland ku sugan, madaxda qaar kamid ah hay’adaha madaxa bannaan iyo wasiirro xukuumadda katirsan, ayaa maanta ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.




Kulankan oo ay goob-joog ka ahaayeen in ka badan 30 Hay’addood oo isugu jira kuwa Qaramada Midoobay, Hay’addaha Caalamiga ah iyo kuwa Samafalka ee dalka ka hawlgala, ayaa diiradda lagu saaray sidii gurmad iyo taakulo loo gaadhsiin lahaa dadka iyo duunyada ku dhaqan gobollada bariga Jamhuuriyadda Somaliland oo xaalad abaareed iyo mid biyo la’aaneediba ay ka jiraan.
Guddoomiyaha hay’adda Udiyaar-garowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka, Mudane Faysal Cali Sheekh oo isagu ugu horayn kulankaasi ka hadlay ayaa ka warbixiyey xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan biyo la’aanta wakhtigan soo food saartay gobolada Togdheer, Sanaag iyo Sool, waxana uu xusay in wakhtigan la gaadhay xilligii Kulaylka ee Kaliisha, dadka deegaanadaas ku noolina ay u baahan yihiin gurmad deg deg ah, iyadoo baahida ugu darani ay tahay biyaha.



Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa shaaca sheegay in Xaaladda biyo la’aaneed ee ka taagan Gobolada Bariga Somaliland ay tahay mid u baahan in loo sameeyo gurmad deg deg ah oo oo ballaadhan.


Wasiirrada Wasaaradaha Deegaanka, Qorshaynta iyo Arrimaha gudaha oo iyaguna kulankaasi ka hadlay, ayaa dhankooda sheegay inay dedaal balaadhan ku bixin doonaan wixii kala gudboon, ka wasaarad ahaan, waxaana ay hogo-tusaaleeyeen qaabka ugu fudud ee dadkaasi loogu gurman karo.



Qaar kamida Hay’addihii kasoo qeyb galay shirkaasi oo iyaguna hadalka qaatay, waxa ay sheegeen qorshayaasha waxtarka leh ee uga meel yaala Gurmadkaasi loo samaynayo dadka ku nool Gobollada Bariga Somaliland ee ay soo wajahday xaalada biyo la’aaneed, waxaana ay isla goobtaasi kaga dhawaaqeen waxtarkooda ugu horreeya ee ay kaga qeyb qaadanayan gurmadka deg dega ah.


Ugu danbayntiina waxaa Shirkaasi ka hadlay Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxana uu daboolka ka qaaday qeylo dhaanta biyo la’aaneed ee Gobolada Togdheer, Sool iyo Sanaag, waxaana uu sheegay inay Xukuumadda ka go’an tahay sidii biyo deg deg ah loo gaadh siin lahaa dadkaasi, isaga oo ku dhawaaqay in hadda la diraayo Booyado biyo ah islamarkaana ay sii wadi doonaan ka xukuumad ahaan gargaarka.


Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxaa uu baaq u diray Hay’addaha Caalamiga ah iyo kuwa Qaramada midoobay oo uu ugu baaqay inay deg deg uga soo jawaabaan baaqa qeylo dhaanta biyo la’aaneed ee Gobolada Bariga.



Dhammaad

 

 

Loading...
Loading...