Hoggaanka Abaahinta: Tusaalaha Maxamuud Xaashi

0
Friday December 13, 2019 - 08:09:44 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1440
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hoggaanka Abaahinta: Tusaalaha Maxamuud Xaashi

    Ilaa Giriigii dura iyo ilbaxnimooyinkii hore ee dunida dacalladeeda kale,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ilaa Giriigii dura iyo ilbaxnimooyinkii hore ee dunida dacalladeeda kale,

  weydiimaha uu aadanuhu jawaabo u raadinayay waxaa kamid ah dabeecadda hoggaanka ama xukunka. Waa maxay hoggaanku? Maxaa lagu muutaystaa? Hoggaanka fiicani waa maxay?

 

Cimlaaqii falsafadda Giriigga, Plato, waxa uu ku micneeyay fan gaar ah oo lamid ah dhakhtarnimada iyo adhi-raaca, kaas oo ka shaqeeya danta cidda la hoggaaminayo ama loo talinayo, shaqo  iyo ujeeddo kalena aan lahayn.  Arrintan waxa uu Plato uga qiyaas qaatay fananka kale ee sida dhakhtarnimada oo uu ku dooday in aanay lahayn ujeeddo kale marka laga yimaaddo daaweynta cudurka.

 

Nebi Maxamed NNKH isna waxa uu xukunka ku tusaaleeyay xoolo cid kale leedahay oo qof raacayo oo hadhoow lagala xisaabtamayo. "Dhammaantiin waxaad tihiin [xoolo] raace, mid kasta oo idin kamid ahna waxaa la weydiinayaa waxa la raaciyay,” ayuu yidhi Nebi Maxamed.  Si kale haddii loo dhigo amaano qof loo dhiibay oo xisaabteedu danbayso ayuu nabi Maxamed ku macneeyay xukunka.

 

Kuwaas waxay kamid yihiin aragtiyaha xukunka ka eegaya dhan akhlaaqi ah oo wadaaga inay u danaynayaan cidda la xukumayo . Haddaba waxaa jira aragtiyo ku saabsan hoggaanka ama xukunka oo kuwaas ka duwan, oo ka soo jeeda waahyadii dhalanrogadku (evolution) hagayay falalka aadanaha oo dhan. Waa ka hor intii aanu garaadku aadanaha ka soocin xayawaanka kale.  Aragtiyahan waxaa kamid ah in xukunku yahay astaan sarrayn oo xuquuqda lagu helo ay kamid tahay kootaysiga xaqqa galmada. Waa aragti qallafsan, kakan oo aanu qaadan karaynin caqliga aadanaha nool casrigan. Sidaas ayaan qabay laftarkaygu kahor intaanan si cad uga dhadhansan waraysi uu bixiyay siyaasi weyn oo u guclaynaya qabashada talada Somaliland.

 

Wax kasta oo nolosha kamid ahi wuxuu ku saabsan yahay galmada, marka laga reebo galmada oo ku saabsan awood. Waa weedh caan ah oo uu ku soo halqabsaday siyaasiyiinta mala’awaalka ah ka ugu caansan wakhtigan – Madaxweyne Frank Underwood-ka musalsalka House of Cards.

 

Si kasta oo u majixanjixe u yahay Frank Underwood, haddana waxa uu ka gaabsaday in uu daaha kawada qaado aragtidan gabowday ee isku xidhaysa awoodda/hoggaanka siyaasadeed iyo galmada. Balse Maxamuud Xaashi, wasiirkii hore ee madaxtooyada Somaliland, isagu badka ayuu keenay xidhiidhkaas, aragtidanna si khajilaadi ka madhan tahay ayuu daaha uga qaaday.

 

Dhawaan mar la weydiiyay farqiga u dhaxeeya hoggaanka madaxweyne Muuse iyo kii madaxweynihii ka horreeyay, jawaabtiisa waxa uu ku soo koobay in baarqabyadu si kala duwan qaalmaha u abaahiyaan. Maxamuud Xaashi waxa uu si badheedh hoggaankii umadda ula simay qancinta doonista jinsiga ah. Markuu adeegsaday hummaagan jinisga ah, Maxamuud xaashi waxa uu tilmaamayaa xidhiidhka soo jireenka ahaa ee ka dhexeeya awoodda iyo jinsiga, isaga oo inagu celinayaa nooc hoggaamineed oo aadanuhu kumanaan sano kahor kasoo gudbay.  Noocan hogaamineed waa ka ka jira qaybo badan oo kamid ah boqortooyada xayawaanka duurjoogta ah iyo qaar kamid ah xoolaha aynu dhaqanno.

 

Hoggaanka noocan ah, oo aynu ugu yeedhayno hoggaanka abaahinta, waa nidaamka uu baarqabku hoggaamiyo xaynta, astaantiisuna waa kootaysashada labnimada. In kasta oo xaymaha xayawaanka, oo iska kooban inta badan, ay dhacdo in galmadu u xidhantahay labka ugu weyn (baarqabka), balse bulshooyinka aadanaha ee ballaadhan taasi suurtogal kama ah. Ugu yaraan qaabkaas qaawaan ee la kootaysanayo labnimada iyo galmada oo dhan.  Taas bedelkeeda waxaa dhacda in galmada loo rogo astaan iyo sumad (symbolic), inteeda ugu badanna loo nisbeeyo hoggaamiyaha, amaba si kale haddii loo dhigo in hoggaamiyaha laga dhigo sumadda labnimada.

 

Tusaale ahaan, dalalka talomaroorisiga xagjirka ahi ka jiro, sida Kuuriyada Waqooyi oo kale, hoggaamiyaha dalka waxaa loo sawiraa in uu yahay labka ay wada haweysanayaan dhammaan haweenka dalku. Waxaa la faafiyaa sawiro ay hogaamiyaha ku xoonsan yihiin dumar tiro badan oo ku dhegdhegaya ama farxad awgeed ka ag ooyaya. Mucamar Al-qaddaafi ayaa isna caan ku ahaa dhaqanka noocaas ah.  Waxaa had iyo jeer ku hareersanaan jiray gabdho da’ yar oo qurux badan, isaga oo u talinayay dal carbeed oo dumarku dhaqan ahaan guryahooda joogaan. Muuqaalka adadayga raganimo ee xad-dhaafka ah ee Putin ku dedaalo in laga qaato isna waa tusaale kale.

 

Maxamuud Xaashi aragtidan waxa uu ku muujinayaa sida uu uga hadlayo laba xidhiidh oo hoggaamiyuhu samaynayo. Midi waxay ka dhaxaysaa hoggaamiyiha oo isaga u la mid ah baarqabka iyo lababka ka hooseeya ee naawilaya in ay maalin uun bedelaan. Ka kalena waxa uu ka dhaxeeyaa hoggaamiyaha iyo dadka loo talinayo.

 

Tan danbe ayuu Maxamuud Xaashi hadal cad oo aan aan lagu aqoon siyaasiyiinta kaga warramayaa. Waxa uu kusoo koobayaa xidhiidhka baarqabka iyo hasha. Si kale haddii loo dhigo waa xidhiidh danaysi oo hoggaamiyuhu doonitaanadiisa kuwa sare iyo kuwo liitaba ku gaadhayo loo taliyahay, iyada oo aan cidina wax ka weydiin karin. Waa sababta uu isaga, oo aan maalin keli ah qaban shaqo siyaasad ka baxsan, uu u sheegi kari waayay asalka hantidiisa, uuna ugu meeraystay weji iyo asxaab ayaan leeyahay.

 

 Danaysigaas waxaa garab socda dareen xaq u lahaansho iyo isa-siin (entitlement), kaas oo qofku u arko in uu xaq u leeyahay u talinta dadka. Isla waraysigaas ayuu Maxamuud Xaashi ku muujinayaa arrinkan. Mar la weydiiyay in uu doonayo in uu noqdo madaxweyne, Maxamuud Xaashi inta uu neef weyn qaatay, ayuu jeediyay muxaadiro ku saabsan jidka uu u soo maray siyaasadda. Waxaana uu ku soo gebogabeeyay in kursiga dala ugu sarreeya oo keli ahi u dhiman yahay! 

Mar keli ah kama uu hadal wax dalka ka khaldan oo uu doonayo in uu saxo; wax ka qabyo ah oo uu damacsan yahay in uu dhammeeyo; amaba khatar dalka ku soo socota oo uu jecel yahay in uu ka badbaadiyo. Jawaabtiisu bilow ilaa dhammaad waa: aniga, aniga, aniga, haddana aniga, waar markaygi.

 

Caddaaladdu wey wanaagsan tahay, ee isaga oo keli ah isa-siintani kuma koobna. Inta badan siyaasiyiinta Somaliland way leeyahay cuqdaddan isa siinta. Waxaad maqlaysaa ‘hankayga siyaasadda’, ‘mustaqbalkayga siyaasadeed ayaan idiinka warramayaa maanta’, ‘dantayda ayaan ka dhex arkay’. Iyo ereyo badan oo jinboqrid miidhan ah oo siyaasiyiinta Somaliland ku hadlayaan. Waxay dhammaan ka siman yihiin fikradda Hoggaanka Abaahinta ee ku salaysan Iahaanshiyaha iyo dareenka Isa-siinta talada umadda.

 

Astaanta kale ee hoggaanka abaahintu waa xidhiidhka ka dhaxeeya hoggaamiyaha iyo dadka doonaya inay maalin uun bedelaan. Si kale haddii aynu u dhigno waa xidhiidhka baarqabka iyo lababka doonaya inay kaalintiisa buuxiyaan markuu tago. Maxamuud Xaashi si fiican ayuu wareysigiisa ugu caddeeyahay xeerka koowaad ee xidhiidhkan: waa inaan baarqabka lagula tartamin qaalmihiisa.

Waxa uu sheegay Maxamuud Xaashi in uu u tartamayo jagada Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye. Isla waraysiga haddana waxa uu in badan ka warwareegay in uu shaaciyo in uu la tartamayo madaxweyne Biixi oo hadda ah Guddoomiyaha xisbiga. Weriyuhu markii uu su’aasha kala hadhi waayayna waxa uu sheegay inaan madaxweynayaasha la la tartamin!

 

Run ahaantii, fikraddani iyana kuma koobna Maxamuud Xaashi. Waxaa si tan kasii fool xun hore looga qoray Cabdicasiis Maxamed Samaale oo damac ka galay hoggaanka xisbiga Kulmiye. Ereyga caanka noqday ee Samaale laga hayo ‘haakah marka uu yidhaahdo’ ayuu ku suntan yahay xidhiidhka ka dhaxeeya baarqabka iyo laboodiyada yaryar ee nidaamkani. Lababkaasi xidhiidhkan sidaas darteed waa ‘Haakah Sugayaal’ dhowranaya doorkooda.

 

In kasta oo Maxamuud Xaashi sida ugu faahfaahsan ilaa hadda u tusaaleyay Hoggaanka Abaahinta, nasiib darro isaga oo keli ah kuma koobna. Waxaa siyaabo kala duwan looga dhadhansan karaa dabaqadda siyaasiga ah ee Somaliland, gaar ahaan xisbiga Kulmiye. Siyaasaddii ahayd adeegga bulsho waxaa muuqata in loo rogay danaysi, isa-siin, iyo dareen xaq lahaansho. Hoggaankii Plato fanka u arkayay, Nebi Maxamed amaanada ku tilmaamay, Locke na ku sheegay heshiiska bulsho, waxaa  dib loo celiyay heer bahalnimo oo ay galmadu astaan iyo summad u tahay. Caddaynna, dabcan, uma baahna inaanay bahalnimadani inna anfacaynin.

 

 

W/Q: Cabdillaahi Xasan (Plastaro)


Weriyo iyo barnaamij soo-saare deggan Hargeysa, Somaliland

[email protected]

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...