Ciidamada Booliska Laascaanood Oo Xabsiga Dhigay Abwaan Laabsaalax, Xildhibaan Hanad, Sarkaal Milatari Ah Iyo Muwaadin Kale+Sababta

0
Friday December 13, 2019 - 00:54:18 in News by
  • Visits: 9092
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Booliska Laascaanood Oo Xabsiga Dhigay Abwaan Laabsaalax, Xildhibaan Hanad, Sarkaal Milatari Ah Iyo Muwaadin Kale+Sababta

    Ciidamada Booliska Laascaanood Oo Xabsiga Dhigay Abwaan Laabsaalax, Xildhibaan Hanad, Sarkaal Milatari Ah Iyo Muwaadin Kale+Sababta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Booliska Laascaanood Oo Xabsiga Dhigay Abwaan Laabsaalax, Xildhibaan Hanad, Sarkaal Milatari Ah Iyo Muwaadin Kale+Sababta


Kampala(HWN):-Ciidamada amaanka ee gobolka Sool ayaa goor dhawayd xabsiga ku hubsaday abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul(Laab Saalax) oo ka mid ah hal abuurka somaliland.

Natiijada sawirka war deg deg ah


Sida ay sheegayaan warar hada soo gaadhaya Hadhwanaagnews, ciidamada booliska ayaa xidhay Abwaan Laabsaalax oo maanta ka qayb galay xidhitaanka bandhigii buugaagta ee Laascaanood isla markaana ku sugnaa gudaha magaalada.


Dhinaca kale ciidamada booliska ee gobolka Sool ayaan ilaa hada ka hadal sababaha keenay inay xidhaan abwaan Laabsaalax.


Sidoo kale wararka soo gaadhaya Hadhwanaagnews ayaa sheegaya in ciidanka booliska Laascaanood xabsiga dhigeen wiil lagu magacaabo Aadan Xasan Mataan kaas oo lagu xidhay sawir gacmeed uu ku muujiyey Madaxweyne Farmaajo.

Image may contain: 2 people, people smiling, grass and outdoor

Sidoo kale xildhibaan Hanad oo ka mid ah golaha deegaanka Hargeysa iyo sarkaal ka tirsan ciidamada milatariga somaliland ayey wararku sheegayaan in lagu hubsaday xabsiga magaalada Laascaanood, iyada oo ciidamada amaanka laga sugayo sababta keentay xadhiga dadkan iskugu jira masuuliyiinta iyo shacabka.


Wixii Warar Ah Ee Ka Soo Kordha Kala Soco Hadhwanaagnews
Loading...
Loading...