Dhalinyaraddii Somaliland oo ku sii qulqullaysa Muqdisho Iyo Xukuumadda Farmaajo oo Xafiis u Samaysay.
Kampalla(HWN):-Waxa labaddii sanadood ee u danbeeyay
ku sii qulqullaayay Caasimadda
Soomaaliyeed ee Muqdisho dhalinyarro u dhalatay Somaliland, kuwaasoo
niyad-jab ka qaadday Xukuumaddihii isaga danbeeyay Xisbiga talada haya
ee KULMIYE, gaar ahaan Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi
Cabdi ee hadda labadda Sanaddood marraysa.

Dhalinyaraddan
ku sii qulqullaaya magaaladda Muqdisho ee Caasimadda dalkii la isku
odhan jirey Soomaaliya, waxa ay Niyad-xummaan ka qaaddeen hannaanka
Maamul ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, kaasoo u xuub-siibtay eex,
qarraabo-kiil, Musuq-maasuq karkaaradda jebiyay,waxaannay maamul-xummida
Madaxweyne Biixi ay dhaawac wayn u gaysatay Hankii, Hammiladdii,
Hiigsigii iyo wada-jirkii ay Shacabka Somaliland lahaayeen, iyaddoo
Xukuumadda Madaxweyne Biixi ay Ummaddii ku riday rajo la'aan, isla
markaanna Dawladdii iyo Ictirraafkii beryo ku naalloon jireen shacabka
Somaliland waxay noqotay Xumbo gudhay iyo riyo aan jirin.
Dawladda
Fedderaalka Soomaaliya ee fadhigeeddu yahay magaaladda Muqdisho ayaa
furtay Xafiis loogu talo-galay dhalinyaradda Aqoonyahanka ah ee ka soo
qul-qullaaya guud ahaanba Somaliland.
Xukuumadda
uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa Xafiis u furtay dhalinyaradda
waxbaratay ee maalinkasta iyagoo koox koox ah ka soo degga garoonka
caalamiga ah ee Aden Adde International Airport, waxaanna Xafiis loogu
talo-galay innuu diiwaan-geliyo dhalinyaraddaas ka soo yaacaysa rajadda
la'aanta iyo Maamul-xumidda Madaxweyne Biixi, waxaannu Xafiiskani uu
dhalinyaraddaasi ka caawin doonnaa, isla markaanna uu u diyaarinnayaa
sidii midkasta loo shaqo gayn lahaa, iyaddoo imikabba dhalinyaraddaasi
badankooddu ay ka hawl-gallaan Hay'addaha kala duwan ee dawladda
Fedderaalka Soomaaliya.
Hadhwanaagnews,Office
Kampalla, Uganda
Loading...
Loading...