Qaramada Midoobay Oo Sheegtay Khasaaraha Ay Gaysatay Duufaan Todobaadkan Ku Dhufatay Xeebaha Somaliya.

0
Thursday December 12, 2019 - 09:15:56 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1399
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaramada Midoobay Oo Sheegtay Khasaaraha Ay Gaysatay Duufaan Todobaadkan Ku Dhufatay Xeebaha Somaliya.

    Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dabaylihii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dabaylihii iyo roobabkii toddobaadkii hore ku dhuftay degaannada xeebaha Waqooyi Bari ee Soomaaliya ay ku dhinteen lix qof.

 

War qoraal ah oo ay soo saartay Qaramada Mioobay ayaa lagu sheegay in degaannada ku yaalla Gobollada Bari iyo Nugaal ay dad ka badan 32 kun oo qof ay dabaylahaasi ku waayeen waxyaabihii noloshooda ay ku tiirsanayd.

 

Waxay sidoo kale sheegtay Qaramada Midobay in dabaylahaasi barakiciyeen 4,800 oo qof .

 

Sidoo kale waxay dabaylaha iyo roobabka duufaanta Pawan ay burburiyeen beero, guryo, waddooyin iyo kaabayaal kale, gaar ahaan magaalooyika Eyl, Bandarbayla, Caluula iyo Laasqoray.

 

Waxay sheegtay Qaramada Middoobay in dadka ay dabaylahaasi saameeyeen ay u baahan yihiin biyo nadiif ah, hoy, mara-kaneecooyin, dhar carruureed iyo agab kale oo caafimaad.

 

VOA


Loading...
Loading...