Baarlamaanka Soomaaliya Oo Ka Doodaya Soo Jeedinta Xeerarka Cusub Ee Doorashada
Waxaa ka hadlay xildhibaanno aragtiyo
kala duwan ka qaba soo jeedintaas, iyadoo doorashada ay ka dhimantahay ilaa
muddo hal sano ah.
Doodda ugu badan waxay tahay nooca
doorasho ee dalka ka qabsoomi karta. Doorashadii lagu xoo xulay xildhibaannada
hadda jira waxay ku saleysneyd ergooyin soo kala doortay mudanayaasha.
Madaxweynahana waxaa u codeeyay xildhibaannada labada Aqal.
Mudanayaasha dooddooda ka dhiibanaya
waxaa ka mid ah Khadiija Maxamed Diiriye, oo sidoo kale ah wasiirka
dhallinyarada iyo Ciyaaraha.
Shalay hadalkii ay jeedisay waxay ku soo qaadatay qodobo kala duwan. Qaar ka mid ah ayaan halkan idiinkugu soo gudbineynaa:
1-Sharciga doorashada
"Waxaa lagu jiraa wakhti ay na hor yaallaan howlo aad muhiim u ah", ayey hadalka ku billowday Khadiija oo ka hadashay fadhiga Baarlmaanka.
"Waa sharciga hadda ee
doorashooyiinka ee laga hadlayo. Waxaan ognahay in sheekooyiinka suuqa ku jira
(ay sjheegayaan) in aysan ku saleysneyn xuquuq qaanuuni ah. Laakiin waa iska
hadallo fadhi-ku-dirir ah", ayey tiri iyadoo tixraaceysay diidmada
siyaasiyiinta qaar ee sharcigan doorashada ee laga doodayo.
Xeerkan waxaa soo diyaariyay guddi ka socday Baarlamaanka oo booqday maamul Goboleedyada, ka dibna u bandhigay baarlamaanka si ay uga doodaan.
Sida ilo ku dhow baarlamaanka ay
sheegayaan, sharcigan wuxuu soo jeedinayaa qaabab ay suuragal tahay in loo
qabto doorashada oo ay ka mid tahay sidii hore in lagu noqdo ama qof iyo cod in
ay noqoto.
2-Qof iyo Cod
Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye waxay tiri: "Waan ognahay in ergo iyo maamul Goboleed iyo cadaadis hore in aan soo marnay. Waan ognahay in aan isku deyeyno in qof iyo cod ay doorashada ahaato, haddana waxaan og nahay in qof iyo cod aysan dhici karin.
In shacabka ay soo doortaan
xildhibaannada iyo madaxweynaha waxay ka mid ahayd qorshayaashii la filayay in
dowladda hadda jirto ay hirgeliso, sida ay sheegayaan dadka falanqeeya arrimaha
siyaasadda.
Laakiin
waxay sheegayaan in iyadoo weli dalka oo dhan aysan dowladda gacanta ku hayn in
aysan suuragal ahayn in shacabka ay codeeyaan ama la sameeyo tirakoobka
dadweynaha.
Iyadoo tixraaceysay haddallada la isla dhexmarayo, waxay wasiir Khadiija tiri: "Waxaan ognahay waxyaabihii horey loo soo arkay iyo isbedelladii dhacay qaabkii ay ahaayeen.
"Waxaanna
sidoo kale ognahay waxa hadda na hor yaalla iyo qaabka ay u dhici doonaan oo
aan isku deyeyno in doorashooyiinka hadda na horyaallo iyo in mashiinno loo
keensaday iyo codad ku shubasho ah in ay dhici doonaan oo ah waxyaabaha lagu
hadaaqayo".
"Waxaa
la leeyahay dalal badan ayey doorasho ka dhacday iyadoon la is tira
koobin", ayey hadalka ku sii dartay, iyadoo sheegtay in dastuurka uu si
cad u qeexayo qodobka metelaadda deegaanka.
3-Dadka yaa matala?
"Waxaa
sharci ah wixii dadku ku heshiiyo", ayey tiri xildhibaan Khadiijo Maxamed
Diiriye. "Maanta dadka yaa matala?" ayey hadalka ku sii dartay.
Waxay
carrabka ku adkeysay in baarlamaanka labada Aqal ka kooban ee Soomaaliya uu
yahay midka matala Shacabka.
"Guddiga
madaxabannaan miyaa matala? Maya; Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka miyaa
matala? Maya; Ra'iisul Wasaaraha iyo Golihiisa xukuumadda miyaa matala? Maya,
Golaha garsoorka iyo Gudoomiyaha Maxkamadda Sarana ma matalaan", ayey tiri
Wasiir Khadiijo.
"Dalka waxaa matala 320 ka" xildhibaan, maantana meesha aad dalka dhigtaan buu yaallaa", ayey tiri.
Khadiijo
Maxamed Diiriye, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo sidoo kale ah
xildhibaan ka tirsan baarlamaanka, waxay ka mid ahayd "shanti baarlamaan
ee Soomaaliya soo maray, laga soo billaabo illaa dowladdii carto".
Waxay
sheegtay in mudaddaas Baarlamaankii oo jira laga tagayay oo madaxda ay
qabanayeen shaqooyiin kale. Waxay tusaale u soo qaadatay dowlado lagu soo
dhisay dalalka deriska ah iyo golayaal gudaha laga dhisay sida madashii
qaranka.
"Ma
maantana waxaan sugeynaa in Madaxweynaha, Ra'iisul Wasaaraha iyo Beesha
Caalamka ay wax ku soo heshiiyaan?" ayey weydiisay xildhibaannada.
Maanta
talada idinkey gacantiina ku jirtaa, waxaadna ku dhaarateen sida danta dalka ku
jirto, waadna og tihiin in haddii cirka iyo dhulka la isku dhejiyo aanay
doorasho dheceynin," ayey tiri.
4-Muddo kororsi
"Waxaan ognahay in waxyaabaha laga hadlaayo (ay yihiin) muddo kororsi iyadoo afka laga dhowrayo, oo ma dhihi karno 'muddadaan kororsaneynaa", ayeyn tiri Khadiija.
"Inaanay
jinsiyad jirin, 'yaa Soomaali ah?', in aan tirakoob jirin, in aanay xisbiyo
sharciyeysan jirin, in aydaan sharci u sameynin dowlad-goboleedyada
sharciyaddooda ka hormaray, nidaamka federaalka iyo nooca la qaadanayo in
aydaan ka hadlin.
"Waan
ognahay in xuduudihii Soomaaliya aysan inoo qorneyn, waana ognahay in uusan
amni ka jirin dalka, waan ognahay in dastuurkaas aan loo qaadin afti dadweyne.
Sidaas daraadeed, hal-qof iyo hal-cod ma dhici karto", ayey tiri Khadiijo
Maxamed Diiriye.
Waxay intaa ku dartay: "Marba haddii aysan dhici karin, wixii dalka u dhacaayo waa in aad u sameysaan."
"Miyeydaan
qori karin; dalka shantaan sano ee soocota; qorshe cusub, heshiis cusub,
heshiiska Muqdisho, waxaan doonno aan ugu magacdarno. Amniga intaa ayaa lagu
sugayaa Federaalka intaa baa lagu sameynayaa, tira-koobna intaan baa lagu
sameynayaa".
5-Doorasho la mid ah mid ka dhacday dalal kale
Waxaa
jiro dalal aan dadkooda la tira koobin, sidoo kalena aysan intooda badan codeyn
karin, balse inta codkooda dhiiban karta ay ka qeybgalaan doorashooyinka.
Waddanka
Afghanistan, bulshada oo dhan qeyb kama ahan doorashada, balse waxaa codeeya
kuwa ku nool deegaannada ay dowladda maamusho.
"Waxaa
la leeyahay adduunka qaarkiis waxaa ka dhacay doorasho iyadoon tirakoob jirin.
Adduunka doorashada ka dhacday miyaan la mid nahay?" ayey tiri wasiir
Khadiijo.
"Kursiga
Kismaayo miyaa la iska yeelayaa in Dayniile ama Howlwadaag lagu doorto?"
ka dib waxaa u sacbiyay qaar ka mid ah xildhibaannada.
Iyadoo hadalka sii wadata waxay tiri: "Kursi Hirshabeelle yaalla miyaa la iska yeelayaan in Kaaraan lagu doorto? Oroteeshan wax lagu dooranaya miyaa jira? Miyaan tagi karnaa meelihii aan ka nimid?"
Waxay
Sheegtay in meesha xigta ee dalka uu u jiheysanayo ay tahay arrin u taalla
Baarlamaanka Soomaaliya oo aaney ahayn arrin laga sugayo madaxweynaha ama
xukuumadda.
"Maantey taagan tahay waxaa la rabaa talo iyo arrin dhab ah; waxaa la rabaa talo aan meel ku saarno umadda waxa danta u ah".
BBC