Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani oo Xanuun Ku Soo boodday Awgeed Dibadda loo qaadday
Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani oo Xanuun Ku Soo boodday Awgeed Dibadda loo qaadday

Kampalla(HWN):-Suldaan guud ee beelaha Habaryoonis Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi qani ayaa dalka dibaddiisa loo qaadday, kadib markii uu maalintii shalay ku soo boodday xanuun deg deg ahi.

Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi qani oo xaalad Koomo ah ku jira ayaa maanta loo qaadday Caasimadda Addis ababa ee dalka Ethiopia.
Diyaarad gaara ayaa maanta duhurnimaddii ka qaadday garoonka Egel International Caasimadda Hargeisa, waxaanna suldaanka sii sagootiyay Salaadiin, Wasiirro iyo Dadweyne aad u tiro badan.
Illaahay Caafimaad sarreecanna ha siiyee Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi qani waxa uu ahaa Oday dhaqan-yaqaan ah oo Nabaddoon ah, isla markaanna bulshadda reer Somaliland wada-jirkoodda iyo midnimaddooda markastaba ku hawlannaa.
Hadhwanaagnews,Office
Kampalla,Uganda
Loading...
Loading...