Xisbiga kulmiye Oo Madaxwaynaha Ka Difaacay Dhaliilo Ay Usoo Jeediyeen Xisbiyada Mucaaradku.

0
Tuesday March 26, 2019 - 13:57:31 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1329
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga kulmiye Oo Madaxwaynaha Ka Difaacay Dhaliilo Ay Usoo Jeediyeen Xisbiyada Mucaaradku.

    Hargaysa ( HWN) Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere ayaa difaacay khudbad sanadeedkii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa ( HWN) Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere ayaa difaacay khudbad sanadeedkii

 uu madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ka jeediyay fadhi ay iskugu yimaadeen labada gole ee baarlamaanka Somaliland.

Gudoomiye Axmed Cabdi dheere oo la hadlayay muuqaal baahiyaha Bulsho TV ayaa sheegay inaanay lahayn khudbadii madaxwayne muuse Biixi meel la dhaliilo "Khudbadii madaxwaynaha ee khudbad sanadeedka ahayd madaxwaynuhu waxa uu yimid wakhitgeedii waanu jeediyay, waaxaanu kaga hadlay wixii uqabsoomay mudadaa sannadka ah iyo mustaqbalka waxa uu damacsanyahay, waxaan arkayay xisbiyada mucaaradka ah oo ka hadlayay dhaliilayayna Khudbadaa, wax la dhaliilana may ahayn” ayuu yidhi.

Waxaanu intaasi ku daray "khudbad sanadeeda dastuuriga ahna masoo qoraan xisbiyada mucaaradka ah iyo Baarlamaankutoona, mana laha iyagu ee madaxwaynahaa leh, madaxwaynuhuna wakhigeedii ayuu soo qoray waxanu kaga hadlay arimo badan oo uu kamid yahay wax qabadkii la soo qabtay iyo haday tahay wax soo socda ee la qabanaayaba, waaxana filayaa meel laga dhaliilo inaanay lahayn khudbadaasi”.

Labada xisbi mucaarad iyo qaybo kamid ah bulshada ayaa dhaliilo usoo jeediyay khudbad sanadeedka Madaxwayne Muuse Biixi jeediyay todobaadkan.

Xisbiyada mucaaradka ah ayaa sheegay inaanu madaxwayne Muuse kaga hadal Khudbad sanadeedka arimo imika taaga sida waxa laga yeelayo golaha deegaanka oo wakhtigii loogu talagalay inay xilka hayaan gabaabsi yahay.

Cabdiraxmaan Sh. Xasan

Hadhwanaagnews

Hargaysa/Office.


Loading...
Loading...