Daayinoow Allahayoow, Adigaan Kuu Dacwoonaye, Duufanadan Dhacaayiyo Dabayla Na Geesmari.

0
Wednesday December 11, 2019 - 10:42:18 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 992
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daayinoow Allahayoow, Adigaan Kuu Dacwoonaye, Duufanadan Dhacaayiyo Dabayla Na Geesmari.

    BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (ASCWRWB).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (ASCWRWB).


SALAAN KADIB WAXAN MID KHAAS AH U SOO DIRAYAA,

BAHDA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA

 

1-Doorasho aan waxtarahayn,Kala daadin mooyeen.

   Danta shacab daryeelayn,Durbaan beena tumistii,  

   Daartaa kuwaynu geynaa,Ku danaysanaayaan,

   Dibiraanoy dhergaanooy,Keligood durduurtan.

 

2-Dameer malab ay saaraan,Rayska goortu daaqana,

   Dinaaxyeeya kibirkoon,Dabadeed danbaabidha,

   Isku dira dhexdoodoo,Daan iyo daan u kala dira,

   Dadkeenu way ka daaleen,Cidna dooran maayan.

 

3-Distoorkaynu dhiganiyo,Kuwan dumiyey qarankii,

   Dalku wuu u baahana,Dawlad baanu nahadiyo,

  Dibadaha ku faankee,Alle doori baw kacay,

   Kaga duuban qoortoon,Docna aan u wadahayn.

 

4-Daayinoow Allahayoow,Adigaan kuu dacwoonaye,

   Duufaanadan dhacaayiyo,Dabaylaha na gees mari,

   Danyarta iyo masaakiin,Dulmanahaw gargaaroo,

   Dadkana nabad ku daayimi,Daalimiinta naga qabo.

                Ismail Abdillahi Handuleh.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...