Waad Is Tuhuntee Waa Laguu Talin ( Abdi-Shotaly).

0
Wednesday December 11, 2019 - 10:39:39 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1567
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waad Is Tuhuntee Waa Laguu Talin ( Abdi-Shotaly).

    Waad is tuhuntoo, taag baad is bidee waa laguu talin,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waad is tuhuntoo, taag baad is bidee waa laguu talin,
tuugta kibirtaay. Gari Allay taqaan, ee Maaumlka Maxakamadda Somaliland wax aan loo diran, kuna lug lahayn, oo aan shaqadeedaba ahayn bay dhex gashay, waxana ay qardda-jeex ay ku jibaaxday, indhahana ay ka riday wixii loo egmaday. Mana ay ahayn in ay siyaasad geliso dacwadaha loo gudbiyo, waa  laba aan meel wadda marin, oo kala soocan, midna ta kale kuma khaldami karto, si cadna way u kala duwan yihiin, isma dhex geli karaan, xuduudna way kala leeyihiin, waana ka mamnuuc in ay midi ku xad gudubto ta kale. muwaadin waxa la yidhi " Meel Madax Ka Saraysa Oo La Taabtaa Ma Jirto'e" tii aynu u abuuranay in ay kala saarto amuurahaa marka tallo ay bariiqato, ee ay ka baydho dhabaddii saxdda ahayd, madmadaw iyo khiyaamo ay meesha soo gasho, buuq iyo is-maan-dhaaf ay xaajoo-yinku ka bixi waayaan, xaalku noqdo qarjajac, kaladh-is-laac ee la isku mari waayo muran, anaa sax ah iyo aniga baa gar leh. Geel duq baa loo tumaaye, tii jiritaan-keeduba uu ahaa iyo astaanta ay u taagan tahayba cadaaladda, in ay xaq ku xalisho xilka saaran ( Waa Maxakamadda Sare ku sheegta Ee Somaliland). baa markii loo soo gubiyey noqotay " kaba-tolaw Ma Halkaa Baad ka Baxday" bal hadda intan hoose ila eeg.

 

Wuxu yidhi (IHN) Xaaji Aadan Af-Qalooc  " Nin waliba halkii uu turqaday, taabka ku adkeeye , Waashmaan kol ay tahay, ninkii taabay meel dheregye, Kaba-tole Xafiis loo tirshoo, tolan madaw jeexday, haduu talladda teel-teel u dhigo, taasi yaab malahe, maxakamad siyaasadi turuqday tallo ha wadiinin" Waa sidaas uu xaajigu uu sheegaye, miyeynu odhan karnaa akhristaw gar-yaqaanadda  Maxakamadda uma Kala soocna garta Iyo siyaasadu? Anigu haddii aan jawaabta ugu horeysa ka bixiyo,  waxa weeye Maya, ee way kala garanayaan, laakiin-se cudur hoose baa haya oo way bugtaa. wuxu inoo sheegay Riwaayaddii indha-sarcaad murti-deeddii ee uu lahaa (IHN) Cali Sugule Dun-Carbeed " Wax la yidhaaho dawo bukootay, durdur oomay, dab dhaxa-mooday" waxa sifahaas leh hadaba oo ay dawa-deeddii bukootay Maxakamaddii, oo waxa galay Cudurka loo yaqaano Dilaaga ah ( waa cudurka HIV ee abuura Aids), mana jiraan cid u heelan, oo ka mudaysaa xanuun-kaas curyaamiyey Garsaarka, markaa sidee baa meel bugta, oo iyaddii ay teeddii u il-daran, inana uga sugnaa in ay wax daawayso, oo aynu ugu daba fadhiisanaa sharci iyo xaq-soor, saw maaha arin uu nin aan wax-ba ogayni raadinaayo. Hasha kudna waa dilay, waana loo weheli-yaaye, a an kuu saafo cudurka haya'e, Waa tan maamulka askarig ah oo aan fara-gelin mar qudha kala bixin, oo sideedaba u dhalatay in ay wax kaste jujuub iyo gurac ku muquuniso, kuwa meesha joogaana ( waa gar yaqaanada'e) waa dantood maraatayaal, oo waxay eegana-yaan Mushaharka yar ee ay u xaadiraan, laakiin dariiqii Illaahay u jeexay garta ee ahayd " QuLul Xaq wallaw kaana Muran ", taas oo micna-heedu yahay Xaqa ku dhawaaq, xataa haddii uu mur ka qadhaadh yahay, way-se gees mareen, ha-yeeshee waxay yidhaaheen, aakhiro calala marka aynu tagno, ee aan ifka iska shaqaysano, taasina maaha haddii aynu nahay ummadda Reer Somaliland mid ina wadaysa, ee tallo wax ku ool ah baa la inooga baahan yahay, in aynu wadda jir wax ugaga qabano. Akhristaw, talaw waxay tahay " Tuuga talax tegay kuma tudhayee, turuq-yadda goo tibita ku garaac", ka tasho inta aanu iskaa kkaba raacin.

 

* Waxan ku soo xakameyey maqaalkan" Nin weyn iyo waayeel-ba hortoodda baa caano loogu biyeeyaa" wax idinka qarsooni ma jiraan, wax la idiin-la hadhayna hadal-koodda daa, waad arkay-saan Muciishaddii halka ay marayso, sicir-bararka ku dhacay, maatadda lee'atay ee silica iyo macaluusha u dhamaatay, cadaalad darradda maalin-ba-maalinta ka dambaysa ka sii daraysa, hantiddii ummadda oo in gaar ah loo xidhay, kuwii xaqa u lahaana ay ka qatan yihiin, oo derbi-yadda jiifaan, dhaxan iyo dayro dhaaf ku hayaan, iyakuna ay kelyaha ka xoqanayaan dherega awgeed, oo guud-koodda laga subkanaayo, ( Waa inta maamulka haysa'e), Bal in ay inkaari inagu dhacday waa halkii Timacade ( IHUN) uu yidhi " Muraad-koodu nimankuu ahaa moodhar-kiyo daarta, nimankii mugooduba ahaa maalin la casuumo, nimankii suntay nagu mudeen, reerba dhan u moostay"  run ahaantii waa sidaas uu Cabdilaahi suldaan sheegay, shaqaysta mooyaane, oo ummadda isku dila mooyaane aan hawl kale la fadhiyin Guriggii Mooragan, kuwa aan naf ka sugaynaa waa kuwaa, bal hadda ka sheekee, oo sidee bay noqon doontaa?  Waxan ku soo dabaray, kuwan aan dhuunta mooyee meel kale-ba aan wax ka arkin, waa in aan indhaha faraha ka gelinaa oo khasab ku erinaa, adaa sheegi akhristaw sidda ay ku dambayn doonto somaliland haddii kale, waxanse ku odhan lahaa ka tasho, wixii ay khari-been Kulmiye, Xukuumadda iyo Maxakamadda oo is barkani, kaas oo ah ka qudha, ee ay dib ugu soo noqon karto rajadda Somaliland, ama reer hebel oo aan eednay ha lagugu beer laxaw-sado, oo ku taageer dulmiga ummadda kala gaxeeyey, in aad ku jirto sidaa iyo si ka daran abidkaa, oo aan ka soo noqosho lahayn.

* N.B Tuuga Talax Tegay Kuma Tudhayee, Turud-yadda goo tibita ku garaac!

Qore:- Abdi-Shotaly.

 

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...