"Ruwaayadda Ayaan Abti U Ahay" Kaftan Siyaasadeedka Jamaal Cali Xuseen
Kaftanka Maanta: Beri ayaa ruwaayad laga dhigay magaaladda Hargeysa.

Bal Ilaahay amarkii, dadkii
ruwaayaddaasi xilligaasi matelaayey badankooda ama jilayaasha waaweeyn ka
ahaaba waxaa u ahaa reer abti qabiil ka mid ah kuwa Hargeysa deegaan ahaan
degga ee la yidhaa "reer Gadiid” oo ku abtirsadda qabiilka Sacad Muuse ee
beesha Habar Awal. Ragaasi ay reer Gadiidku abtiga u ahaayeen waxaa ka mid ahaa
Ilma Mooge Liibaan, Axmed Cali Haaruun (Dararamle), Shimbir Muxumed Good, Axmed
Ismaaciil Xudeydi, iyo weliba Cabdi Qays oo isagu ruwaayadaba alifay iyo rag
kaleba. Kolkii ruwaayaddii xalay oo kale la dhigay ayaa maqaaxi layskugu yimid.
Nin ka mid ah dadkii maqaaxidda fadhiyey ayaa ruwaayaddii caayey. Kolkaasaa nin
isagu asal ahaan reer Gadiid ah oo goobta fadhiyey ayaa ninkii ruwaayadda
caayey bahal budh ah ku dhuftay oo gagabiyey. Ninkii dhaawaca geystay ayaa
dadkii goobta joogay saddex isu qabteen oo ku yidhaahdeen; " waar ninka maxaad
ku dishay”, ninkii wax dilayna wuxuu ku jawaabay "dee ruwaayaddii ayuu caayey”
Nimankii ayaa Ilaahay yaab isugu keenay, kolkaasay ku yidhaahdeen " waar adiga
maxaa ruwaayadda kaa galay”. Ninkii ismuu lurine waxaabu la soo booday oo
yidhi; "Ruwaayadda ayaan abti u ahay.” Halkii bay nimankii qosol kala jeesteen.
Imika waa halkiiye; waar ninku xisbigga ayuu adeer u yahee ka baydha yaanu bud
idin qabsane. Kaftan wanaagsan.
Waxa Qoray Jamaal Cali Xuseen
Loading...
Loading...