Kawayn Iga Qaboo, Kayar Igu Sii Daa.

0
Tuesday March 26, 2019 - 12:22:27 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1744
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kawayn Iga Qaboo, Kayar Igu Sii Daa.

    Musuqmaasuqu (corruption) waa ku takrifal awoodeed (Power Abuse) si loogu gaadho dano shakhsiya ama lunsi Hantiyeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Musuqmaasuqu (corruption) waa ku takrifal awoodeed (Power Abuse) si loogu gaadho dano shakhsiya ama lunsi Hantiyeed.

Musuqmaasuqa iyo maamul xumadu waa waxa ragaadiya dawladaha dunida gaar ahaan kuwa qaaradan madaw ee aynu hadhsano.

Wadamo badan oo dagaal adag lagalay musuqmaasuqa ayaa jira, loo xidhay, loona maxkamadeeyay Musuqmaasuq masuuliyiin sarsare sida madaxwayneyaal, Raysalwasaarayaal, taliyeyaal ciidan, wasiiro iyo maayaro. Wadamadaa iyo madaxdaa waxaa kamidaa.

Madaxwaynahii horee koonfurta kuuriya (South Korea) #Lee_Myung-bak oo xilka hayay 2008-2013 ayay maxkamadi ku heshay denbiyo musuqmaasuq waxaanay ku xukuntay 15 sano xadhiga. Waxay sidoo kale maxkamadi ku heshay dembiyo musuqmaasuq madaxwaynahii kadanbeeyay, Madaxweyne #Park_Geun-hye taasoo lagu xukumay 24 sanno oo xadhiga iyo 18 milyan lacagtooda(Won) oo ganaaxa waxay xukumaysay 2013--2017 kii gabadhan ayaa horena aabaheed South Korea madaxwayne uga soo noqday ka hor intaan la khaarajin hilaadii 1963ki ilaa 1979 kii

Madaxwaynihii horee Brazil xukumayay 2003-2011 #Lula_da_Silva ayay 2017 kii dambiyo musuqmaasuq oo lagu helay maxkamadi ku xukuntay 10 sano oo bilo dhiman isagoo wali xidhan ayaa hadana dhawaan dacwado kale oo musuq lagu soo oogay waxaanay maxkamadu ku xukuntay 13 sano oo bilo dhiman oo kale.

Raysal wasaarihii hore Pakistan #Nawaz_Sharif ayay hore maxkamadi ugu xukntay 10 sano xadhiga denbiyo laxidhiidha musuqmaasuq. Waxaa Eedo musuqmaasuq xidhay una maxkamadaysan Raysal wasaarihii hore malaysia #Najib_Razak.

Maayor kuxigeenkii hore magaalada Lyuliang City, ee waqooyiga China, #Zhang_Zhongsheng, ayay maxkamadi ku heshay qaadasho laaluush bilawgii 2018 waxayna ku xukuntay Dil, waxay maxkamadu sidoo kale xukuntay in lala wareego dhamaan hantidiisa. Mayor kii caasimadii kenya, Nairobi Geophrey_Majiwaayaa maxkamad loosoo taagay eedayn musuqmaasuq.

Wadamo ay kamid yahiin Sambia, Cameroon, Nigeria, Israel iyo Sierra Leone iyo qaar kaloo badan ayaa u max kamdeeyay wasiiro iyo kuxigeeno eedo musuqmaaauq.

Dhawaan ayay ahayd markii Raysal wasaaraha Dalka malaysiya Mahathir Mohamed uu furay qorshe heer qarana soconayana 5 sanno kaasoo uu rabo in Malaysiya ku dabarjarto musuqa inta ka horaysa 2023 (five-year National Anti-Corruption Plan (NACP)

Somaliland ayaa iyadu wehel u noqoay musuqa. Shacabkeeda iyo madaxdeeduba waxaad moodaa in heshiis lagu yahay inaan qofna qof qabiiilkiisa musuq loo xidhin loona maxkamadayn sidoo kale hanti ama dhul danguudaa oo reerkoodu haystana lala wareegin Taasoo aynu kadhaxalnay Musuqii, Eexdii iyo Qaraabakiilkii wadanka ka jiray dhawr iyo tobankii sanee udanbeeyay.

Waxaa sidoo kale lumay halbeegii lagu cabirilahaa musuqa markii loo arkay kaliya cida wax musuqdaa inay tahay Madaxwaynaha iyo Cida ugu dhaw oo kaliya. tusaale ahaan xukuumadii Rayaale Cidda loo arkayay inay keligood wax musuqeen waxay ahaayeen Madaxweyne Rayaale iyo dhawr Wasiir oo kasoo jeeda Galbeedka Burco, Tii Madaxwayne Siiraanyana waxaa loo arkayay inay kaliya wax Musuqeen Siiraayo iyo dhawr wasiir oo kasoo jeeda Bariga Burco. Taasoo keentay inaan laba soo hadal qadin madaxdii Gobolada kale ama aanay aad isugu dhawayn Madaxwaynaha.Tan hadana waxaa Suurtagala in loo arko madaxwaynaha iyo Wasiirada Galbeedka Hargaysa oo kaliya.

Sidaasooy tahay Somaliland maanta uma Baahna hogaan yidhaahda Kawayn Iga qabo kayar igu siidaa. uma baahna Hogaan xukuma ciyaalka mobilada xada, dadka Diinka iyo harimacadka ugaadhsada iyo shaqaale hoosaadka oo kaliya, kana warwareega Wasiirada, agaasimeyaasha iyo madaxwayneyaasha xalaashada hantida umada ka dhaxaysa.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxaa lagudboon inaanu isu arag Caaqil Reer oo talada loogasii danbeeyo , waa inuu isu dhigaa Madaxwayne qaran oo muxaafid iyo mucaaradba hogaan u ah, talada udanbaysaana gacantiisa ku jirto.

Madaxweyne MBC waa inuu ku Dhiiradaa ladagaalanka musuqa oo uu xidhaa, maxkamadeeyaa masuulkastooy kucadaato lunsi hanti qaran, eex iyo qaraabokiil. Si taasi ugu fudutaatana waa inuu isagu ka dheeraadaa, lana yimaadaa siyaasad cad iyo qorshe uu kula dagaalamo Aafada Musuqa.

Hadiiba uu ku guulaysto ladagalanka Aafada Musuqmaasuqa waxay ku kordhinaysaa madaxwayne MBC inuu helo kalsooniyada shacabka somaliland kana yarayso culaysyada siyaasadeed iyo dhaqaale ee saaran. Sidoo kalena ay soo laabato kalsoonidii bulshada caalamka iyo Qaadhaan bixiyayaasha oo u arkay xukuumadii Kulmiye ee Madaxweyne Siilanyo xukuumad musuq, inta badan mashaariicdoodii u danbaysayna gabagabeeyay 2016 ilaa 2017 mashaariic danbana aan ka fulin Somaliland iyagoo qaarbadani wali aaminsanyahiin in wali Xisbigii Kulmiye Talada hayo oon musuqii waxba iska badalin.

Hadii ay helaan shacabkani madax ka caagan musuqmaasuq iyo qaraabo kiil iskagamay khasaariyeen Malaayiin doolar musharax ay haybwadaag yihiin oon wadanka u qalmin.


Somaliland maanta uma baahna cid ukala abtirisee cid utalisay ubaahantay.

Talo waa mar aad garanwaydo iyo maraad gaadhiwaydee, Talada kaliyeen madaxweyne muuse siin lahaa haduu ku dhiirankari waayo maxkamadaynta wasiirada, agaasimeyaasha guud iyo xubnaha sarsaree dawlada ee ku kaca falal musuqmaasuq, inuu baabiyo gebi ahaanba labada haayadood ee kala ah Hantidhawrka Guud qaranka iyo Koomishanka maamul Wanaaga iyo ladagaalanka musuqmaasuqa ooy ku baxdo hanti badani.

labadan xafiis ayaa miisaaniyada loo qabtay 2019ku ay tahay Hanti dhawrka guud 11,421,868,030 + Koomishan Maamul wanaag iyo ladagaalanka musuqmaasuqa 3,476,592,022 taasoo isku darkeedu noqonayso 14,898,460,052 (Afar iyo toban bilyan, sideed boqol sideed iyo sagaasan milyan, afarboqol iyo lixdan kun iyo konton iyo laba shilin). Oo u dhiganta hadii lagu sarifo qiimaha dawlada $1,986,461.34

Hantidan faraha badan ee kubaxda labadan haayadood sanad walba ayaa soomaliland u dhisi lahayd biirashyada muhiimkee dooxyada Dacarbudhuq, Awbarkhadle iyo kuwa lamid ka ah ee sanad walba ay inagaga qudhbaxaan dad aynu jecelnahay.

Labadan xafiis ooy shaqadoodu tahay ladagaalanka musuqa, maamul xumada iyo ilaalinta hantida qaranka nooc kastooy tahay waxay kushaqeeyaan ishay madaxwaynaha ka arkaan. Waana sababta keentay inay hawlgab noqdaan intii ay jireen.

RABBAW EEX MATIRAABINEE AQOONDARO HAYGU CADAABIN

Dr.Mustafe Omar Jibril

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...