Xiddigii Waddani Ee Doorashada...W/Q Hassan Garnayl

0
Tuesday December 10, 2019 - 21:58:35 in Articles by
  • Visits: 1522
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiddigii Waddani Ee Doorashada...W/Q Hassan Garnayl

    Xiddigii Waddani Ee Doorashada...W/Q Hassan Garnayl

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiddigii Waddani Ee Doorashada...W/Q Hassan Garnayl


Markaynu ku xisaab tamayno caqbadahii hor yaallay siyaasi weliba oo u olale- leynaayey Waddani iyo Kulmiye, iyo guushii uu ka keenay qorshahii loo xil saaray; waxay odhan karnaa C/risaaq Khaliif Axmed, wuxuu ahaa siyaasigii ugu saamayntaa badanaa doorashadii inna dhaaftay. Dhaamanba qorshayaashii iyo mala awaaladii doorashada ee uu dajiyey Waddani, waxaa kaliya guulaystay kii Khaliif loo xil saaray oo dhinac kala ahaa ka caqabadaha ugu adag waajahayey, rajada in guul laga gaadhaana ay aad u hoosaysay. Sddoo kale dhamaan ba qorashayshii Kulmiye, waxaa kaliya fashilmay kii loo xil saaray kooxdii uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Gollaha Wakiilada, oo ah isla kan uu Xoghaye C/risaaq Khaliif si weyn ugu gacan sarraayey. Doorashada horteed waxaa labbada labbada xisbi isku raacsanaayeen saadaaal kaliya oo ahyd; in Xisbi weliba ku guulaysan doona seddex gobol, G Sool na wuxuu ku mid aha 3 da loo saadaliyey Kulmiye; Waddani na waxaa ugu qorshaysaynaa innuu ku sarreeyo codka Laascaanood halka Kulmiye na ku sarrayn doono ka Caynabo, labbadaa tirro marka la kala gooyo innuu Kulmiye ku sarreeyo ugu badnaan 5 kun oo cod. Qorshahani wuu hirgalay sidaas na wuxuu ku noqday ka kali ah ee Waddani u hirgalay, Kulmiyena ka fashilmay.

Image may contain: 1 person, smiling




Marka laga tago Siyaasiga Wayn ee Baashe Cali Jaamac oo maalmahii Olalaha ku biiray Waddani, hawl weyn qabtay oo la odhan karro wuxuu badel wanaagsan oo wakhtigaasi ku habboon u aha AHN Xildhibaan C/raxmaan Talyanle oo muddo yar ka hor doorashada geeriyooday; C/risaaq khaliif wuxuu ahaa siyaasiga kaliya kaga jirra xisbiga Waddani siyaasiyiinta darrajada heerka koobaad ah, ee saamayn ku yeelinkara loolanka doorashada kana soo jeeda gobolka Sool. Dhamaanba inta kale Xisbiga iyo xukumadda Kulmiye ayey u olale-leynayeen iyagoo wato title waa waawayn iyo lacag million doller ah; raggaa waxaa ka mida Guddoomiye Gollaha Wakiilada Baashe Cadde Guddoomiye ku xigeenka afraad ee Kulmiye ina Aadan Cadde, Wasiirka Daakhliga Faratoon, Wasiir Xagla toosiye, Wasiir W/Biyaha, Wasiir C/waaxid C/raxmaan iyo baddiba Xildhibaanadii labbada gole sida Saleebaan C Koore, Dhakool, Indho indho, Siciid jaamac iyo siyaasi Cali Baashe. Intiiba waxaa ka dagaal badnaa ganacsade Ina jabuutaawi iyo Cornel Mahad Canbaashe oo ahaa nimanka hawsha ugu adag qabtay ee jilabka aastay, sidoo kale gobolka Sool wuxu ahaa meesha labbaad ee ka shaqaynayey mashruucuu Ladaguu ee Kulmiye maalgaliyey, waxaana joogay Musharaxa Madaxweyne ku xigeen oo ka soo jeeda gobolka, wallow uu ahaa nin ka caqli badan Faysal oo aan si gooniya u bartilmaansan Xisbga Waddani.


Waxaa iyana xusid muddan culayskii badnaa ee ay Waddani ku haysay lacag aan xad lahyn oo Kulmiye ku soo daayey gobolka wakhti daruufo adag oo nolaleed ka jirraan deegaanka sidda abaartii dabada dheeratay, cagsigeeda Waddani wuxuu u qorsheeyey Sool iyo Saaxiil lacagtii ugu yarad, halka uu xisbigu culayska ugu weyn saaray Togdheer laakiin, aakhirkii waxaa guulaystay cunifgii iyo muusanow ku ololeyntii Kulmiye naf biday oo ka baxsaneyd hannaanka iyo milgaha doorasho siyaasi ah.


Guul walba qof baa astaan u ah oo laga magacaaba Khaliif na waa qofkaas laakiin, guushaa illaahay ka sakow waxaa dhaliyey haween iyo dhalinyaro is xil qaamay oo guntada u xidhay inay u babac dhigaan raggaa waa weyn ee title da iyo lacagtii qarranka ku ololeynayey. Labbeenta dhalinyarada gobolka Sool waxay muujiyeen awooda ay dhalinyarada u leedahay inay guul ka keenan doorasho siyaasi ah iyagoo duruuf adag ku shaqaynaya; ka shakhsi ahaan waan ku hambalyeeynayaa uguna mahad celinayaa daddaalkooda ku dayashada muddan. Waxanan u aqoonsanahay inay kaalinta koowaad ka galleen halgankii dhalinyarada Waddani isu xil qaantay. Aqoon u ma lehi baddiba dhalinyaradaas qaarka mid ah bogan FB ayaan baanu sxb ka nahay halka dhowr ka mid ahna aanu is naqaano, aan xuso qof iyo labba sidaa sxbky aqoonyahanMaanmaal Buureed Gurxaniyo wllshy marwa Fahiima Yuusuf Quuje.


- Bah-Cillaamo goortay dhammaan, iga dul
booyaysey
- Bah-Sadhaysna "baga" inay i tidhi, beerka ka
ogsooni
- Ninkii Burunji inuu iga cuno, ii barriidinaayey
- Ee aan bar kale ii tarayn, beerka ka ogsooni
- Ninkii Belad shisheeye iga jiray, ee soo bixi
waayey
- Ee in aan bogsado uun jeclaa, beerka ka
ogsooni
- Laxaad waa badhaadhee hadduu, ii bogsado
xooggu
- Haddii uu biixiyaha Eebbahay ,isugu kay
beego
- Abaal badh ah abaal bur ah abaal bur iyo
dheeraad ah
- Ninba kiisa kaan ugu beddeli, beerka ka
ogsooni.

Gabay Xaddi

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...