Maxaa Keenay In Muuse Biixi Uu La Kulmi Waayo Guddidii Dhex Dhexaadinta?
Hargeysa(HWN):-Guddida dhexdhexaadinaysay Muuse Biixi iyo xisbiyada mucaaridka ah ayaa ku guul daraystay inay kulan la qaateen hogaamiyaha dalka.
Guddida dhex dhexaadinta oo hore kulamo kala duwan ula yeeshay xisbiyada mucaaridka ah ayaa dedaal badan galiyey sidii ay u hor fadhiisan lahaayeen Muuse Biixi, balse guddida ayaa haatan fara madhan ka jooga dedaaladii ay galiyeen kulan ay la yeeshaan Muuse Biixi si ay u hor dhigaan dooda ay mucaaridu ka qabaan arimaha doorashooyinka.

Wararka ayaa sheegaya in Muuse Biixi oo ka war qaba dooda ay la hor imanayaan guddida dhex dhexaadintu uu hor istaagay inuu u sameeyo balan ay kula kulmaan, taas badalkeena waxa uu guddida ku riixay inay la kulmaan gudoomiye ku xigeenka 2aad ee xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere oo aan wax door ah ku lahayn khilaafaadka taagan ee doorashooyinka gaar ahaan dhinaca xukuumada iyo xisbigeedaba.
Wararka ayaa sheegaya in sababaha ugu waa weyn ee Muuse Biixi ula kulmi waayey guddida dhex dhexaadintu ay tahay isaga oo ka war qaba caqabadaha uu hor dhigay doorashooyinka iyo talaabooyinka sharciga baalmarsan ee uu qaaday mudadii ay guddidu ku hawlanayd dhex dhexaadinta, kuwaas oo ay ugu muhiimsanayeen mudo kordhintii golaha wakiilada, ansixintii xubnaha komishanka ee lagu mursanaa iyo in xubintii muranka ugu adag ka taagnaa ee guddida doorashada ku jirtay uu ka shaqeeyey sidii loogu dooran lahaa gudoomiyaha, talaabooyinkaas oo gabi ahaanba ka hor imanaya sharciga dalka.


0 





