Cabdi Iidaan Iyo Alle Bariga Goobaha Daran:

0
Tuesday December 10, 2019 - 09:44:24 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2540
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdi Iidaan Iyo Alle Bariga Goobaha Daran:

    Umadii soomaliyeed ee hore waxay ahaayeen dad leh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Umadii soomaliyeed ee hore waxay ahaayeen dad leh dhaqan aad u fac weyn oo guun ah oo ay ku faani jireen markasta iyo xaalad kasta oo ay ku jiraan.

Dadkii soomaliyeed ee hore marka ay dhibaato lasoo daristo, ku timaado ama si uun wax ugu dhacaan waxay u tawaawici jireen u noqon jireen xaga ilaahay iyagoo tuugmo, baryo xagiisa u la jeesta.



Markaynu dib u eegno suugaanteena qiimaha iyo qunuuda badan waxaynu helaynaa tusaalayaal farabadan oo inoo muujinaya arintaas.


Dadkii hore ee soomaliyeed markay xabsiyada galaan ama saymo adag dhex dabaashaan waxa ceeb ahayd in qofka xidhan ee maxbuuska ahi uu baryootamo lagana dareemo cabsi iyo baqe ama sidoo kale baryo uu baryoodo qofkii dhibta u gaystay.


Marka uu qofku xabsi galo waxa ceeb iyo facshar weyn ahayd inu ninku arji codsi ah u qorto hadba cida soo xidhata isagoo markaas tuugaaya in xabsiga iyo siliciisa laga sii daayo.

 

CABDI IIDAAN FAARAX:

Arintaasna waxaan markhaati uga doonanaynaa abwaankii weynaa halgamaagii hidaha iyo dhaqankaba wanaagsanaa ee cabdi iidan faarax alle naxariistii jano ha ka waraabiyee.


Waxa la yidhi beri baa cabdi iidaan la xidhay waxa ka dul yeedhay xukun aad u dheer kaas, oo cabdi loo aqoonsaday inu yahay halis halkaasna ku jiro.


Maalin maalmaha kamid ah ayaa cabdi iidaan waxa u yimid taliye ka mid ahaa saraakiishii ciidamada somaliya waxaanu ku yidhi cabdiyoow waxa laga yaabaa in lagu cafiyee madaxwaynaha dalka u qoro arji cabasho ah oo ku dalbanayso in lagu siidaayo, laakiin cabdi iidaan oo ahaa mid dhab u aaminsan in baryootanku uu yahay doqoniimo xaaladan oo kale, ayaa ugu jawaabay sarkaalkii waxaan warqad arji ah u qoranayaa ilaaha I abuuray ee waxwalba kara.


Muddo yar kadib markii ayuu tiriyey cabdi iidaan gabaygiisii alle beri ee uu eebe weyne kaga dalbanayey inu xabsiga ka saaro, illaahay waa ka aqbalay degdegna waa uga samoto bixiyey dhibaatooyinkii iyo dandaradii xabsiga.


Muddo aan aad u dheerayn ayaa mar labaad cabdi iidaan iyo niman kale oo uu ku jiraa dawladu soo xidhay iyagoo loo aqoonsaday in halisku yihiin dawladnimada maalintaas ayaa waxa hadana cabdi iyo saaxiibadii ka dul yeedhay xabsi aad dheer. 


Maalin dambe ayaa sarkaalkii mar labaad ku yidhi cabdoow waynagii is ogayne eebe waa kii kaa saaray xabsiga maantana se arji maad u qoran madaxweynaha dalka si uu kuu cafiyo kuuna sii daayo, ogsoonow arji inaad dawlada u qorataa waxay ahayd duli iyo habrasho aad ka habranayso waxkasta oo lagugu sameeyo waayo waad baryootantaye qasabna waxa kugu ah inaad u hogaansato waxkasta oo dawladu wadato ama ay rabto.


cabdi iidaan wuxu yeelay wixii uu maantaa oo kale nin gobi yeeli lahaa oo ah inu eebe weyne xagiisa baryo iyo tuugmo u la jeesto, waxa uu mar labaad tiriyey gabaygan uu alle ku baryayo waana laga aqbalay xabsigiina hal haleel ayuu ilaahay uga saaray.


Cabdi iidaan ararta gabayga ayuu kusoo bandhigayaa ducada iyo waxtarkeeda iyo sida ay u mudantahay in iyada marwalba loo toog hayo, waxaanu yidhi cabdi iidaan isagoo kala hor marinaya qaybaha ducada marka hore wuxu ducada eebe weyne uu ku bilaabayaa amaanta ilaahay iyo awoodaha ilaahay sida abuurka, maamulka aduunyada, sidoo kale cabdi iidaan wuxu gabayga xagiisa dambe ku sheegaya baryadiisa iyo sida uu ilaahay marwalba uu ugu baahanyahay.


 Alle ha u naxariistee wuxu yidhi:

·       Illaaha loo baahanyahee baahaninow  boqorkayoow heedheh

·       Ilaaha waligii baaqiga noqdoow   boqorkayoow heedheh

·       Ilaahaan xaq lagu beeninow boqorkayoow heedheh

·       Bini aadam waa meel sokee boqorkayoow heedheh

·       Illaahii dartii lagu baryoow boqorkayoow heedheh

·       Deeqsinimo allaha loo baxshoow boqorkayoow heedheh

·       Waaxidnimo allaha loo bartayoow boqorkayoow heedheh

·       Illaahii dunida baaraxa khalqayoow boqorkayoow heedheh

·       Illaahii inu burburin sheegayoow boqorkayoow heedheh.

Cabdi iidaan faarax alle ha u naxariistee wuxu tuducyadan si weyn eebe ugu baryayaa tawxiidka ama kelinimada alle isagoo soo bandhigay waxyaabaha uu eebe u mudan yahay in keligii la baryo Lana caabudo sida (inu eebe waxwalba kala jabin karo, inu leeeyahay ciidan fara badan oo u adeega amarkiisana fuliya, inu eebe leeyahay oo sameeyey jano iyo naar uu adoomihiisa ku abaalmarinayo, in eebe yahay ka arka bidhaan kasta, bad waxmara, dhul waxsocda, wax lugo ku socda, wax beerka ku siqa, iyo in eebe quudiyo waxkasta oo afleh, waxaanu yidhi:


·       Birtii culus allaha kala jabshoow boqorkayoow heedheh

·       Illaaha ciidankiisu badanyahoow boqorkayoow heedheh

·       Barjaniyo cadaabtuu khalqiga ugu bushaareeyey

·       Badhba meel uu geeyaba marku kala boolsiiyo

·       Illaahii laba ukala baydhiyoow boqorkayoow heedheh

·       Bidhaantii kastaba kii arkoow boqorkayoow heedheh

·       Bad wax mara berriga waxjriyo buuro dabadooda

·       In bogliyo in baabaca dhigtiyo baalka lagu duulo

·       Bishimo nool allaha quudiyoow boqorkayoow heedheh.


Halkan wuxu cabdi iidaan inoogu soo bandhigayaa xasuusta qaybo badan oo muhiim ah markii eebe uurka hooyadii ku abuuray isagoo candhuufyar ah, heerarkii kala gedisnaa ee uu eebe weyne soo mariyey, sida bad qabka ah ee uu uga soo saaray uguna ilaaliyey intii uu ku jiray uurka, intaas oo dhan marku dhameeyo ayuu ilaahay si toos ah uga codsanayaa inu xadhiga iyo silica jeelka si sahlan uga bixiyo oo aanu kusii eegan dhibka uu leeyahay xabsigu waxaanu yidhi:


·       Oday into iga khalqiyo biliq yar oo dhiig ah

·       Bilcan dumar ah uurkeed intuu igu barwaaqeeyey

·       Barna aniga oon qabin isaga oon igu bukaysiinin

·       Illaaha nolosha igu soo baxshoow boqorkayoow heedheh

·       Baabaca adoon baan dhigtee boqorkayoow heedheh

·       Boqolkaaga magac ee mid la’ yaan baaqa maqashiine

·       Allohayoow xadhiga sahal iiga bixi kuu baryootamaye.

 

Waxa qorey: Cabdirisaaq Axmed Cigaal(Darwiish)

[email protected]        ama 0634240189

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...