Waa Tuma Ra'isal Wasaaraha Dunida Ugu Yar Ee Findland Dooratay

Xisbiga Social Democratic ayaa Marin oo haatan
ahayd wasiirka gaadiidka u doortay in ay noqoto ra'isal wasaaraha dalkaas ka
dibmarkii uu is casilay ra'isal wasaare Antti Rinne waxaana xafiiska loo
dhaarin doonaa todobaadkan.
Waxa ay hogaamin doontaa xukuumad wadaag ah,
siyaasadeedu bidix dhexe tahay oo ka kooban shan xisbi oo ay shantaba dumar
madax ka yihiin.
Ra'isal wasaare Antti Rinne wuxu xilka iska
casilay ka dib markii ay xisbiyada isbahaysigu kalsoonida kala noqdeen ee ay ku
qoonsadeen sidii uu u maareeyey xiisaddii shaqo joojinta shaqaalaha boosta.
Marka ay hogaanka qabato Sanna Marin waxay sidaa
ku noqon doonaa ra'isal wasaaraha dunida igu da'da yar, maadaama ra'isal
wasaaraha New Zealand, Jacinda Ardern haatan da'deedu tahay 39 jir halka
ra'isal wasaaraha Ukraine, Oleksiy Honcharuk, isna yahay 35 jir.
Marin oo cod aan badnayn ku guulaystahay ayaa tidhi "waxa noo taal hawl badan oo ay tahay in aan kasoonidii [shacabka] kula soo noqon".
Waxa ay dhegaha ka furaysatay su'aalo badan oo laga keenay da'deeda waxaanay tidhi "weligay da'dayda iyo lab ama dheddig ka aan ahay kama fikirin, laakiin waxa aan had iyo goor ka fikiraa waa sababihii igu dhaliyey in aan siyaasadda galo ee ay ka mid ka yihiin arimaha aan ku kasbannay kalsoonida cod bixiyeyaasha".
Sanna Marin waxay noqonaysaa haweenaydii saddexaad ee dalkaa Woqooyiga Yurub ku yaal ra'isal wasaare ka noqota. Waxaanay ra'yi ururintii ugu dambaysay ee la sameeyey doorashadii baarlamanka ee dhacday bishii Abriil ee sannadkani muujisay in xisbiga Social Democtratic ka codad badanayey xisbiyada kale, waana sababta xisbigaasi u helay fursadda ah inuu isagu xilka ra'isal wasaarenimo qabto.
Sida ay baahisay warbaahinta Finland, Marin waxay ka dhalatay qoys dan yar ah oo waxay la noolayd hooyadeed waana qofkii ugu horreeyey qoyskeeda ee jaamacad gala.
Dalka Findland waxa uu haatan hayaa madaxtinimada loo kaltamo ee Midowga Yurub.
BBC


0 





