Deg Deg Golaha Wakiiladda Oo Cod Gacan U Taga Ku Celiyey Darjooyinka Degmooyinka Baligubadle, Taleex Iyo Caynab (C)
Hargeysa(HWN):-Golaha Wakiiladda Somaliland' ayaa laalay xeerka gobolada iyoDegmooyinka ee dhawaan Golaha Guurtidu derejadooda u dalqcsiisay (Derejadda B) waxaanu xildhibaanadda Wakiiladu cod gacantaaga Derejada ( C)ku soo celiyen 3-da degmo ee kala ah1- Degmada Bali-Gubadle 2- Taleex 3- Degmadda Caynabo .
Sido kale waxay Golaha wakiiladu laaleen soo jeedintii Golaha Guurtidda ee ahayd in maayaradda dalka xilka lagaga qaadi karo 3 meeloodoow 2 ba .meelood xilka lagaga qaadi karo halka Golaha wakiiladu ka dhigeen in maayaradda xilka lagaga qaadi karo Kala Badh iyo half dheeri gole deegaan oo kasta dalka .
Golaha guurtidu waxa uu sido kale Xasaanad u ogolaa xildhibaanadda golayaasha deegaanka ee dalka balse haatan waxa Golaha wakiiladu laalay soon jeedinta Guurtidda waxaanu ansixiyey in aanay wax Xasanada lahayn Xildhibaanadda golayaasha deegaanka ee Somaliland.
Hadhwanaagnews


0 





