Amaanta Geela Iyo Cabdi Galayax
Marka aad milicsato suugaanta soomalida ee aad dhex
muquurato bada maansada waxaad helaysaa in amaanta geelu ay tahay ta ugu badan ee tix iyo tiraaba ay kusoo tabiyeen abwaanadii somaaliyeed ee hore.
Ragii ku caan baxay ee ku dheeraystay amaanta geela waxa kamid ahaa uguna sitay alle ha unaxariistee CABDI MAXAMED AW MAGAN (CABDI GALAYAX).
Cabdi waxa uu amaanta geela gaadhsiiyey heer aanay soomaalidii hore gaadhsiin, alle ha unaxariistee waxa cabdi maxamed aw magan laga hayaa gabayo iyo geeraaro amaan geel ah.
Inkastoo uu sidaa u amaanay geela, uguna Hagar baxay walibana uu jeclaa inu xeryo ka buuxsado geel, hadana waligii geelu umuu badan, umana tarmin maxaa yeelay waxa jira sababo aanu geelu ugu tarmin oo ay kamid ahayd, cudur dhowr jeer geela ka galay oo nirgahana ka laayey.
Hadaba geeraarkan soo socda cabdi waxa uu kaga cabanayaa in geelba aanu ku sancanayn ee uu bilaash isku dhibayo.
Maalin maalmaha kamid ah ayuu u sadcaalay nin seedigii ahaa oo gabadh ay walaalo yihiin ay u dhaxday isagoo aad u jeclaa inu kasoo helo geel, kaas oo uu ku hungoobay oo gacmo madhan kala soo noqday,inkastoo cabdi uu geel fiican haystay hadana laabta ayuu ka jeclaa, maalintaas ayuu tiriyey geeraarkan calaacalka ah ee uu kaga waramayo gacmo madhnaantii uu kala soo noqday seedigii,iyo walaalihiisii uu ku kari waayey geel dhaqda ama aan idiin dhaqee geel iibsada, sidoo kale wuxu ku cadaynayaa geeraarka sida uu geela u dhaqaaleeyo, sidu ugu shubo maalinta ceel waxaanu yidhi cabdi isagoo tilmaamayaa arimahaas:
Dhugmalaysiga geela
Tacabkii iga dheeroo
Dad ninkaan dhuganaayoo
Walaashay u dhisnaydoo
Dhowrka wiil u lahaydna
Dhacanbuu iga saartay
Ana dhoonbir ma qaatoo
Col dhaqaaqay ma raacoo
Booli dhool kuma keeno
Nimaankaan la dhashayna
Dadka iigu dhawaana
Dhakarwayniyo dhooniyo
Inay dhiil ku listaanoo
Dhacadiid u hurdaaniyo
Karuurkooda dhamaanoo
Dhalaankoodu u maalo
Dhaar xunbay ka mareen
Ana kaan ka dhaqanaayoon
Dhangadiisa u hayeystoo
Dharaar nool daba joogay
Dhudhunkayga habeeda
Sidiisii ugu dhooboo
Kobtii dhaayin lamoodoo
Dhag caleeni ku tiiloo
Dhibic roob ku dambaysiyo
Dhacadiid agihiisiyo
Dhakab meel layidhaahdiyo
Dhuyuclay marinaayey
Meel buu dhow ka qabaayoo
Dhashi way u kici waydayoo
Ilaah wayga dhantaalayoo
Midii haatan dhalaysiyo
Midaan dheef kasugaayey
Midii soo shin dhawaysoo
Korka dhoor gu’ la moodoo
Gidigeed dhataclayniyo
Qaalmihii ka dhamaade.
Cayn walbaan u dhaqaayoon
Cayn walbaan u dhaqaayoo
Dhanahaan ka shubaayoo
Dhogorteeda xumaaniyo
Jeelka waan ka dhacshaayoo
Dhanaankii cusbadiiyo
Dhagxanyaaliyo u yaalana
Waan usoo dhaqsadaa
Maalintay dhudi oontoo
Dhuubatoo ololaysoo
Caloosheedu dhinaatana
Kuma dhowrto rafaadkee
Dhabigaan intaan saaro
Dhabihii ku ridaayoo
Cirid ay la dhukaantiyo
Dhalan dhool uma quudhee
Iyadoo wali dhaadan
Dhirtuun baan hadhiyaa
Ana waa u dhabacdaayoo
Inyar baan dhakiyaayoo
Tuuga soo dhukubaayaan
Dhibsaday qalabkaygiyo
Hadba dhiilo gashaa
Qoraxdoo dhici doontiyo
Casar baan ka dhiftaayoo
Ku dheelmaa helinkiiyoo
Habeenkaana ma dhaaftee
Guulahay ku dhaxdaayoo
Nin xunbaa dhanbasuusee
Dheelalow ma aqaanoo
Dhawrad baan u noqdaayoo
Dhadadoo dadka haysiyo
Dhaxantaan ku kacshaayoo
Dhagta waaga arooryaan
Dhudhun ceel ku huraayoo
Dharka wayska furaayoo
Dhaaraanbaan guntadaayoon
Kaalinkaan u dhisaayoo
Biyahay dhunjinaysiyo
Wadaantaan u dhuftaa
Maalintaasna dhawaaqiyo
Dhibteedaan ku jiraayoon
Soori wayga dhunkaal
Jeeray ka dhaqaaqdana
Dhiiranaaniyo ciiliyo
Dhirif baa igu taagan
Markaan dheeho rakaado
Dharagtooy cabi waydana
Hilinkaan ku dhigaa
Habeenkaana dha’ weeye
Dharaartaa ka dambaysana
Dhambaliishiyo cawskiyo
Dhurbahaan ku duwaayoo
Caynkaas waan u dhaqaa.
Hadaan meel kale dhawrana
Intaan suuqa ku dhaaday
Dheemantii lacageediyo
Dhar xariira ma siisanoo
Dhuuni raac kama maadin
Intaan dhaafsaday naagana
Kama dhiibin haweenoo
Dhacaas waan uga tudhaayey
Xeryahaan u dhigaayeyna
Go’do waan uga dhameeyey
Sumadaan dhiganaynoo
Cududaa ku dhilaydiyo
Dhibcihiina u diiday
Dabna waan uga dhaartoo
Shiidad baan ku dhajaa
Far aan dhaawac lahayniyo
Dhinacaa bidixdaan
Dhagta fiid uga gooyey
Nilgaheeda Dhamaysna
Caruur baan ka dhigtaayoo
Dhabtayday ku gamaanoo
Dhareerkaan ka tiraayoo
Hadba waan dhunkadaa
Dhab hadaan wax u fiirshana
Ma dhaqaalo darayne
Amar buu igu dhaafay.
Waxa qorey: Cabdirisaaq Axmed Cigaal (Darwiish)
[email protected] ama 0634240189.
Tacabkii iga dheeroo
Dad ninkaan dhuganaayoo
Walaashay u dhisnaydoo
Dhowrka wiil u lahaydna
Dhacanbuu iga saartay
Ana dhoonbir ma qaatoo
Col dhaqaaqay ma raacoo
Booli dhool kuma keeno
Nimaankaan la dhashayna
Dadka iigu dhawaana
Dhakarwayniyo dhooniyo
Inay dhiil ku listaanoo
Dhacadiid u hurdaaniyo
Karuurkooda dhamaanoo
Dhalaankoodu u maalo
Dhaar xunbay ka mareen
Ana kaan ka dhaqanaayoon
Dhangadiisa u hayeystoo
Dharaar nool daba joogay
Dhudhunkayga habeeda
Sidiisii ugu dhooboo
Kobtii dhaayin lamoodoo
Dhag caleeni ku tiiloo
Dhibic roob ku dambaysiyo
Dhacadiid agihiisiyo
Dhakab meel layidhaahdiyo
Dhuyuclay marinaayey
Meel buu dhow ka qabaayoo
Dhashi way u kici waydayoo
Ilaah wayga dhantaalayoo
Midii haatan dhalaysiyo
Midaan dheef kasugaayey
Midii soo shin dhawaysoo
Korka dhoor gu’ la moodoo
Gidigeed dhataclayniyo
Qaalmihii ka dhamaade.
Cayn walbaan u dhaqaayoon
Cayn walbaan u dhaqaayoo
Dhanahaan ka shubaayoo
Dhogorteeda xumaaniyo
Jeelka waan ka dhacshaayoo
Dhanaankii cusbadiiyo
Dhagxanyaaliyo u yaalana
Waan usoo dhaqsadaa
Maalintay dhudi oontoo
Dhuubatoo ololaysoo
Caloosheedu dhinaatana
Kuma dhowrto rafaadkee
Dhabigaan intaan saaro
Dhabihii ku ridaayoo
Cirid ay la dhukaantiyo
Dhalan dhool uma quudhee
Iyadoo wali dhaadan
Dhirtuun baan hadhiyaa
Ana waa u dhabacdaayoo
Inyar baan dhakiyaayoo
Tuuga soo dhukubaayaan
Dhibsaday qalabkaygiyo
Hadba dhiilo gashaa
Qoraxdoo dhici doontiyo
Casar baan ka dhiftaayoo
Ku dheelmaa helinkiiyoo
Habeenkaana ma dhaaftee
Guulahay ku dhaxdaayoo
Nin xunbaa dhanbasuusee
Dheelalow ma aqaanoo
Dhawrad baan u noqdaayoo
Dhadadoo dadka haysiyo
Dhaxantaan ku kacshaayoo
Dhagta waaga arooryaan
Dhudhun ceel ku huraayoo
Dharka wayska furaayoo
Dhaaraanbaan guntadaayoon
Kaalinkaan u dhisaayoo
Biyahay dhunjinaysiyo
Wadaantaan u dhuftaa
Maalintaasna dhawaaqiyo
Dhibteedaan ku jiraayoon
Soori wayga dhunkaal
Jeeray ka dhaqaaqdana
Dhiiranaaniyo ciiliyo
Dhirif baa igu taagan
Markaan dheeho rakaado
Dharagtooy cabi waydana
Hilinkaan ku dhigaa
Habeenkaana dha’ weeye
Dharaartaa ka dambaysana
Dhambaliishiyo cawskiyo
Dhurbahaan ku duwaayoo
Caynkaas waan u dhaqaa.
Hadaan meel kale dhawrana
Intaan suuqa ku dhaaday
Dheemantii lacageediyo
Dhar xariira ma siisanoo
Dhuuni raac kama maadin
Intaan dhaafsaday naagana
Kama dhiibin haweenoo
Dhacaas waan uga tudhaayey
Xeryahaan u dhigaayeyna
Go’do waan uga dhameeyey
Sumadaan dhiganaynoo
Cududaa ku dhilaydiyo
Dhibcihiina u diiday
Dabna waan uga dhaartoo
Shiidad baan ku dhajaa
Far aan dhaawac lahayniyo
Dhinacaa bidixdaan
Dhagta fiid uga gooyey
Nilgaheeda Dhamaysna
Caruur baan ka dhigtaayoo
Dhabtayday ku gamaanoo
Dhareerkaan ka tiraayoo
Hadba waan dhunkadaa
Dhab hadaan wax u fiirshana
Ma dhaqaalo darayne
Amar buu igu dhaafay.
Waxa qorey: Cabdirisaaq Axmed Cigaal (Darwiish)
[email protected] ama 0634240189.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...