Meela Uma Soconee Meeraysi Mininkaga Tagnow

0
Monday December 09, 2019 - 08:14:51 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1183
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Meela Uma Soconee Meeraysi Mininkaga Tagnow

    BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (ASCWRWB).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (ASCWRWB).


SALAAN KADIB WAXAN MID KHAAS AH U SOO DIRAYAA,

BAHDA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA

 

MUCAARIDKA DALKEENOW,MAANTA WAA OGSOONTIIN,

MEESHAYNU MARAYNEE,MARMARSIINYO DOONADA,

MURAADKOODU XAMARIYO,MAKHIR OLOLAHEEDIYO,

MIDNIMADEN BURBURINTEED,MACANAHOODU YAHAYE,

MUQDISHO LOOGA BAAQEE,MASAARIIFTA LOO QORAY,

MAQANAYAASHAN JOOGAA,INA DHAGAY MAQAAMKAA,

MAGAC QARAN WARKI DAA,CIDNABA AAN METELAHAYN,

KALA MIIRMIDOONTAAYE,MAGACUUN HAW SAMAYNINA,

MISKIIN WEEYE BAASHEE,MALYUUN WAY KA BADANYIIN,

MASUULADA QARSOONEE,MACAASHNA XAMAR KA QAATE,

MAAMULKUNA MA MOOGGOO,MACAAMILKII ADUUNKIYO,

MUFTAAXII DHAQAALUHU,IYAGABA KA MAQAN WELI,

MEELA UMA SOCONEE MEERAYSI MININKAGA TAGNOW,

                   ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...