Saaxiibtinimo Waa Wehel By: Jimcaale Sheekh Cabdiraxmaan Madar

0
Monday December 09, 2019 - 08:11:46 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2539
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saaxiibtinimo Waa Wehel By: Jimcaale Sheekh Cabdiraxmaan Madar

    Qore: Jimcaale Sheekh Cabdiraxmaan Madar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore: Jimcaale Sheekh Cabdiraxmaan Madar

 

Waxaan halkaan salaan qaaliya uga dirayaa dhamaan warbaahinta madaxa banaan iyo akhristaha u heelan hadh iyo habeen siduu wax cusub u korodhsan lahaa, dulucda mawduucaygan wuxuu daaran yahay in xidhiidhka aadanaha ee dhex mara laba qof iyo in ka badan  ee ku dheehan ixtraam, kalsooni, iska war hayn, is aaminaad, iyo wada socod nololeed oo ay ku dheehan tahay daacadnimo.   

Saaxiibtimadu waa sida kabaha, mid wey kugu dhegsan tahay, midna way kaa dabacsan tahay, midna wey kaa weyntahay, intaas oo dhana waxay kaa caawinayaan sidaad noloshaada u socon lahayd.

Dadka wax ka qora saaxiibtimadu way isku khilaafsan yihiin macnaha dhabta ah ee ay xambaarsan tahay kalmadu, balse saaxiibka dhabta ahi wuxuu dadka kale kaga duwan yahay waxa uu garab kuu yahay mar kasta oo aad uga baahato garab, taageero iyo caawin.

Wuxuu ilaahay igu sharfay asxaab qiimo badan oo I  dareensiisay macnaha dhabta ah ee ay leedahay kalmada saaxiibtinimo, anniga oo marksta u aqoonsada una yaqaana in ay yihiin ubaxa kaliya ee aan qodox lahayn ee noloshayda ka baxay.

Saaxiibka wanaagsan waa kuu Rasuulku CSW inoo sheegay in uu yahay mid ka shaqeeya meelaha lugu iibiyo waxa uduga leh ee ay dadku jecel yihiin, qofka ka shaqeeya meelahaasna waxaad kala kulmaysaa udgoon.

Maahmaah carbeed ayaa tidhaahda (guul maaha in aad samayso 100 saaxiib  oo mar kaliyaata ka taga, balse waxa guul ah in aad samayso hal saaxiib oo kula jira 100 sano)

Guntii iyo gabo gabadii waxaan ku soo af jarayaa in saaxiibtinimadu aanay dhicin sida cadceedda oo kale, mana dhalaasho sida barafka oo kale.

FG: waxa aan leeyahay asxaab aan jecelahay, oo markaan la sheekaysanayo aan caalam kale tago, markaan la joogo aan dareemo in naftayda aan la faqayo, taas ayaa sabab u ah in aan wax ka qoro kalmada saaxiibtinimo.

 

Qore: Jimcaale Sheekh Cabdiraxmaan Madar

Whatsapp: +252-634428674

Email : [email protected]

Hargeisa – Somaliland


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...