Cudurka Dabeysha oo sanado badan kadib lagu arkay Malaysiya

0
Monday December 09, 2019 - 07:56:22 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1047
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cudurka Dabeysha oo sanado badan kadib lagu arkay Malaysiya

    Wasaarada caafimaadka Maleysia ayaa shaacisay in la helay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaarada caafimaadka Maleysia ayaa shaacisay in la helay
cunug sadex bilood jira oo qaba cudurka Dabeysha.

 

Baaritaano caafimaad oo lagu sameeyay cunugaan oo ka soo jeeda deegaanka Tuaran ee oo dhacda ismaamulka Sabah ayaa lagu ogaaday in Ilmahan uu qabo cudurka Dabeysha.

 

Agaasimaha Isbitaalka gobolka Dr  Noor Hisham Abdullahi ayaa xaqiijiyay in cunuga ay ku arkeen calaamado ay ka mid yihiin qandho iyo tabaryari dhanka Murqaha.

 

Mr Hisham ayaa intaa raaciyay in Bukaanka la dhigay qol gaar ah iyadoo xaaladiisa ay tahay mid wanaagsan, balse uu u baahan yahay Caawinaad.

 

Dowlada Maleysia ayaa ku dhawaaqday sanadkii 2000 ay ka xorowday cudurka dabeysha, waxaana markii ugu danbeysay oo laga helo bukaan qaba ay aheyd sanadkii 1992-dii.

 

Arintaan ayaa ku soo aadeysa bilo kadib markii cudurkaan laga soo tabiyay waqooyiga Filabiin oo dhaca isla qaarada Aasiya.


Loading...
Loading...