Ujeedada Safar Madaxwayne Ku-xigeenka Somaliland Ku Tagay Gobolka Daadmadheedh

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ka hadlay munaasibad lagu qabtay gudaha xarunta dawladda hoose ayaa waxaa uu hambalyo iyo bogaadin u diray golaha deegaanka ee Oodweyne sidoo kalana waxa uu kula dardaarmay inay adeegyada aasaasiga ah xooga saaraan waxaana uu yidhi "Waxaan runtii aad iyo aad ugu hambalyeynayaa dawladda hoose ee Oodweyne, Maayirka iyo golihiisa deegaanka shaqaalihiisa siday u raaceen wixii la baray iyo aqoontii la geliyey iyo inay maanta fahamsan yihiin siday dadkooda wax u gaadhsiin karaan iyo siday adeeg ugu qaban karaan, wayna muuqataa isbedelka uu sameeyey ujeedada intaas oo sannadood hawsha loo waday ee dhaqaalaha loo gelinayey waxay ahayd in dadka aqoonta laga dhiso”
Wa bilaahi tawfiiq


0 





