Dibadbaxii Ugu Ballaadhnaa Muddo Bilo Ah Oo Maanta Ka Dhacay Hong Kong

0
Monday December 09, 2019 - 07:48:00 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 941
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dibadbaxii Ugu Ballaadhnaa Muddo Bilo Ah Oo Maanta Ka Dhacay Hong Kong

    Tobannaan kun oo qof ayaa isugu soo baxay waddooyiinka Hong Kong

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tobannaan kun oo qof ayaa isugu soo baxay waddooyiinka Hong Kong
,waana dibadbaxii ugu ballaarnaa ee halakasi ka dhaca muddo bilooyiin ah.


Qabanqaabiyayaasha ayaa waxay sheegeen in dad lagu qiyaasay 800,000 ay ak qeyb qaateen dibadbaxa maanta ,balse booliiska ayaa tirada ku sheegay 183,000.



Booliiska ayaa waxa ay xabsiga dhigeen 11 qof howlgal ay sameeyeen ka hor dibadbax maanta.

Dibadbaxyada Hong Kong ayaa bilaabmay bishii June ka dib markii la soo saaray hindisa sharciyeed ogolaanaya in dowlada Shiinaha loo gacan galiyo dadka dambiyada looga shakiyo.


Balse dibadbaxyadan ayaa markii dambe isu badalay kuwa ballaaran oo dowladda looga soo horjeedo.

Bayaan ay dowlada soo saartay Sabtidii ayaa loogu baaqay dadka in ay is dajiyaan islamarkana dowladda ay dhageysan doonto dalabkooda ayna aqbali doonto cambaareyntooda.


Dibadbaxyada oo halkaasi ka socday 6-dii bilood ee ugu dambeeyay ayaa waxay imika saamayn ku yeesheen dhaqaalaha jasiiradda Hong Kong.


Qabaqaabiyayaasha dibadbaxyadan ayaa waxay sheegeen in dowlada ay haysato fursadii ugu dambeysay ee ay dalabkooda ku fulin karto.


Waxyaabaha ay imika dalbanayaan waxaa ka mid ah in baaritaan madaxbanaan lagu sameeyo qaabkii ay booliiska ula tacaaleen dibadbaxayaasha ,iyo in cafis loo fidiyo dadkii dibadbaxyada lagu xiray.


Waxaa sidoo kale ay dalabanayaan in la qabto doorasho xaq iyo xor ah.


Ku dhawaad 6,000 oo qof ayaa la xiray halka boqolala qof ay ku dhaawacmeen tan iyo intii ay dibadbaxyada bilaabmeen bishii June.

 

BBC

Loading...
Loading...