Weftigii Faadumo Siciid Oo Faashil Siyaasaddeed Kala kulmay Dalka Beljimka

0
Sunday December 08, 2019 - 19:43:28 in News by
  • Visits: 7749
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weftigii Faadumo Siciid Oo Faashil Siyaasaddeed Kala kulmay Dalka Beljimka

    Weftigii Faadumo Siciid Oo Faashil Siyaasaddeed Kala kulmay Dalka Beljimka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weftigii Faadumo Siciid Oo Faashil Siyaasaddeed Kala kulmay Dalka Beljimka


Hargeisa(HWN)-Weftigii ay hoggaaminaysay Faadumo Siciid oo si hab-qan ah ku tagay dalka Midowga yurub ee Biljamka, ayaa ku guuldaraystay inay la kulmaan Xubno ka mida Xildhibaannada Midowga Yurub.




Waftiga ay hoggaaminaysay Faadumo Siciid oo markii horeba aan qorshe iyo ajande cad ku soconin ayaa Hargaysa ka sii kaxaysatay dhawr Xildhibaan oo ka tirsan Guurtida iyo Wakiillada Somaliland, kuwaasoo laba jeer kala gaadhay dalka Beljimka.


Faashilka siyaasaddeed ee ku dhacay Weftigii ay hoggaaminaysay Faadumo Siciid oo dhawaanna ay la soo derristay mawjaddo Faddeexad ah, kadib markii ay cod sir ah oo laga duubbay lagu faafiyay baraha bulshadda, ayaa mar kale Wajigabax kala kulantay dalka Beljimka, kadib markii qaar ka mida Baarlamaanka Midowga yurub ay ka cuddur-daarteen inaanay wakhti u ahayn Weftiga ay horkacaysay Faadumo Siciid.





Si kastaba ha ahaatee Weftigii ay hoggaaminaysay Faadumo Siciid waxa soo waajahday guuldaro siyaasiya, waxaannay sida caadada u ah Madaxda KULMIYE ay sawirro ku gallaan hoollasha shirarka oo madha, waxaannay sawirradaasi ku tusayaan meesha ay joogaan cidladdeeda, balse bulshadda somaliland ayaa ka dheregsan faanka iyo beenta ay Madaxda Xisbiga KULMIE u sheegaan.

Loading...
Loading...