Gudoomiye Ciro Iyo Maxamed Biixi Yoonis Oo Wakiilada Beesha Caalamka Ee Nairobi Ka Dacweeyey Muuse Biixi Oo Ay Sheegeen Inuu Dagaal Rabo.

0
Sunday December 08, 2019 - 19:23:22 in News by
  • Visits: 5476
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiye Ciro Iyo Maxamed Biixi Yoonis Oo Wakiilada Beesha Caalamka Ee Nairobi Ka Dacweeyey Muuse Biixi Oo Ay Sheegeen Inuu Dagaal Rabo.

    Gudoomiye Ciro Iyo Maxamed Biixi Yoonis Oo Wakiilada Beesha Caalamka Ee Nairobi Ka Dacweeyey Muuse Biixi Oo Ay Sheegeen Inuu Dagaal Rabo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiye Ciro Iyo Maxamed Biixi Yoonis Oo Wakiilada Beesha Caalamka Ee Nairobi Ka Dacweeyey Muuse Biixi Oo Ay Sheegeen Inuu Dagaal Rabo.


Hargeysa(HWN):-Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro iyo Maxamed Biixi Yoonis oo ka tirsan saraakiisha xisbigaasi ayaa magaalada Nairobi kulamo kula qaatay wakiilada beesha caalamka ee somaliland ka taageeraa arimaha doorashooyinka.




Sida ay sheegayaan wararka soo gaadhaya Hadhwanaagnews gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro iyo Maxamed Biixi Yoonis ayaa wakiilada beesha caalamka u gudbiyey dacwad ka dhan ah Muuse Biixi taas oo ay ku faah faahiyeen in qaabka uu wax u wadaa aanay ahayn mid sharciyada dalka ku fadhida.


Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in gudoomiye Ciro iyo Maxamed Biixi Yoonis ay wakiilada beesha caalamka ee ku sugan magaalada Nairobi u sheegeen in Muuse Biixi uu wato qorshe ka dhan ah nabad galyada iyo hanaanka dimuqraadiyadeed ee somaliland.


Maxamed Haaruun Biixi oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu u soo bandhigay dooda ay gudoomiye Ciro iyo Maxamed Biixi Yoonis ula tageen wadamada beesha caalamka ee ay Nairobi kula kulmeen, waxaanu qoralkasi u dhignaa sidan:-


Waxa uu iiga warramay dooddii isaga iyo Maxamed Biixi Yoonis ay ula tegeen wakiilada waddamadii dhawaan soo saaray qoralkii cambaaraynta ahaa ee ka dhashay tasarufaadka sharci darada ahaa ee Madaxwayne Biixi iyo saxiibkii Kaahin ay waayadan dambe ku kaceen. Waxa ay u sheegeen daneeyayaasha arimaha Somaliland, ujeedka Muuse Biixi in aanu ahayn wax doorasho iyo arimo farsamo oo lagu kala duwanyahay ku saabsan ee ay tahay dagaal doon. Waxa ay dublamaasiyiinta u sheegeen in uu Muuse si qorshaysan uga shaqaynaayo, sidii uu ku abuuri lahaa fursad uu dagaal waddanka kaga dhaco, oo uu isku dayo in uu gaadho ujeedooyin uu ka gaadhi waayay dagaalkii 1994.


Safiirada wadamada Yurub iyo ku xigeenka safiirka Maraykan ee Nairobi jooga ba warkaas ayaa ay u faahfaahiyeen, wadamadii ay la kulmeen na waxa ay go’aansadeen in ay bishan December 18 keeda wafti Hargeysa u diraan, kuwaas oo laba maalmood waddanka joogi doona. Waddamada ay la kulmeen waxa ay u cadeeyeen, in aanay xajadu ahayn marnaba doorasho la isku diidanyahay, because khilaafaadkii ku saabsanaa Gudiga doorashada waxa la dhameeyay bishii July ee sanadkan, kolkaas oo la isla meel dhigay wixii la isku diidanaa, ka dib na uu Muuse furfuray wixii oo dhan.



Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland
Loading...
Loading...