Khabiiro Ka Socda Sweden Oo Tababaro Siinaya Ciidamada Bada Somaliland+Sawiro

0
Sunday December 08, 2019 - 19:09:02 in News by
  • Visits: 3157
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khabiiro Ka Socda Sweden Oo Tababaro Siinaya Ciidamada Bada Somaliland+Sawiro

    Khabiiro Ka Socda Sweden Oo Tababaro Siinaya Ciidamada Bada Somaliland+Sawiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khabiiro Ka Socda Sweden Oo Tababaro Siinaya Ciidamada Bada Somaliland+Sawiro


Hargeysa(HWN):-Ciidanka ilaalada xeebaha somaliland ayaa ku jira tababaro ay khabiiro ka socda wadanka Swedena.

Image may contain: ocean, sky, outdoor and water

Image may contain: 3 people, people smiling, ocean and outdoor

War lagu baahiyey boga ciidanka ilaalada xeebaha somaliland ayaa lagu sheegay in tababarkani uu socon doonoshan todobad oo xidhiidh ah kuwaas oo ciidamada lagu siin doono casharo kala duwan.


Warka ay tababarkan ka soo saareen ciidamada bada somaliland ayaa u dhignaa sidan:-


Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Soomaaliland ayaa hadda ku jira toddobaadkii saddexaad ee tababar qaadanaya 5 toddobaad, oo ay fulinayeen Khubaro ka socota Ilaalada Xeebaha Dalka Sweden iyo lataliyeyaal u shaqeeya Hay’adda EUCAP, kuna sugan Berbera, iyadoo la adeegsanayo saddex doomood oo dheereya , kuwaas oo ay ku deeqdey dowladda Sweden sanadkii lasoo dhaafey.

Image may contain: 3 people, people smiling, outdoor and water
Image may contain: 5 people, people sitting
Image may contain: 8 people, people smiling, people standing

Tababarkan oo bilaabmay 12ka Nofembar, wuxuu ka koobanyahay hanaanka goobidda sare iyo samata-bixinta, kaxeeynta iyo maareynta doomaha, iyo sidoo kale casharo afka ah iyo kuwa gacanta ee ku saabsan farsammada badaha iyo doomaha.


Tababarkan Waxaa soo qabanqaabisey EUCAP, iyadoo uu kamid yahay barnaamijyo taxane ah oo loogu talogaley Ciidamada Ilaalada Xeebaha Soomaaliland, si looga dhiso awooda ay kaga jawaabayaan xaaladaha degdegga ee caafimaad iyo amni ee ka dhaca badda.

Loading...
Loading...