Imtixaanka Madaxweyne Muuse Biixi horyaalla Tufis iyo Liqis..W/Q Maxamuud Fantastic
Loollan cusub ayaa ka dhex curtay qoorweynta/kaadirka Xisbiga KULMIYE kaas, oo ku sallaysan cidda hanannaysa hoggaanka Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi dabadii. Shaacintii uu sameeyey Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi in uu yahay musharax uu taagan jagada Guddoomiyenimmo ee Xisbiga talada haya maalmihii lasoo dhaafay, waxay noqotay mid hadal hayn badan yeellatay, oo noqotay arrin lagu gorfeeyo goobaha bulshada ku kulanto—Hudheelada, maqaaxiyaha, warbaahinta qaybaheeda kala duwan.
Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi, oo ka mid ahaa siyaasintii halganka dib-u-hanashada talada Dalka in mar labaad KULMIYE yimaado hormuud ka ahaa, deddaal iyo kambaynna aan yaraysan kolkii raggu baratamayey ayaa shaacinta doonista hoggaanka Kulmiye ay culays weyn ku abuuri doonta Xukumadda hadda joogta iyo Xisbiga talada haya labadaba.
Tartanka Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ayaa waxa uu in muddo ahba ahaa 'Dhuxul dambas huwan', taas, oo la fili karayey ama ifafalaheedu muuqday in xaalku ku dambayn doonno halka maanta uu marayo.
Xisbiga KULMIYE uguma horrayn loollan iyo tartan adag, oo dhexmara nin garboodkiisa. Madaxweyne Siilaanyo xilligiisi ayaa sidan, oo kale dhowr jeer dhacday laakiin, madaxweyne Siilaanyo, oo ahaa gurgursha iyo damal siyaasadeed, oo kala dabbaalan kara Xisbigiisa xaalad kastoo cakiran, oo soo wejahada Xisbiga ayaa kala dabaashay.
Loollanka culus ee hadda jira waa imtixaan iyo jarribid hortaalla Madaxweyne Muuse Biixi iyo sida uu u maareeyo baratanka uu dhexeeya raggii shalay garbihiisa ahaa.
Muxuu Maxamed kaahin shalay u ahaa.
Maxamed kaahin wuxuu muuse shalay u ahaa sxb ilaa halgankii ah, dagaalkii KULMIYE ee curtay cahdigii madaxweyne siilaanyo ee Muuse Biixi guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ku doonayey waxaa soo food saaray culeys weyn oo kaga yimi raggii wakhtigaa ahaa wasiirrada culus ee hormaadka u ahaa xirsi oo jiif iyo joogba u diiday, dhaqaalihii ka wadda dhaariyey, qasnadihii ka wadda xidhay. muuse biixi oo xitaa ka dhaariyey madaxtooyada in uu galo, muuse biixi si danihii kaga xidhnaa qasriga u soo fushado oo madaxweyne siilaanyo uu kala xaajoodo, caqabadahaas oo dhan wuu waayey xeelad uu ku xaliyo waxaana lagaga awood roonaadey xisbiga iyo xukuumadda ba oo waxay noqdeen banfadhi cidlo ka xabaddo rita. intaaba Maxamed kaahin Wuu la socdey oo wuxuu awoodi waayey in Muuse biixi kala hadlo madaxweyne siilaanyo oo tol yihiin, (ilmaadeer) Marna uu abti u yahay iyo xirsi oo adeer u ahaa iney dagaalka ka daayaan intaa caqabadoodaba Wuu xalin kariwaayey oo xeeladeyn waayey in uu kala dabaasho balse taa badelkeeda Maxamed kaahin meelnaba muuse ugama tagin oo cidlo kagamuu dhaqaaqin ee siduu buu banaanka ula meeraysanayey.
Muxuu maxamuud xaashi shalay u ahaa.
Maxamuud xaashi wuxuu shalay muuse bixii u ahaa oo kala soo dabaashay isagoo banfadhi ah oo cidlo jooga oo madaxtooyo food galin waayey xisbi hadalkiisa daa qasnado xidhan moorro siyaasadeed oo cakiran, ayuu kala soo dhex dabaashay culeyskii siyaasadeed ee xaashi xeeladeeyey waxay noqotay in uu ka adkaado wasiirradii odayaasha dhibey wuxuu hadh cad baacsadey kudladii Isku bahaysatay inay mujaahidiinta banaanka dhigaan Wuu ka guuleystay, markaa suu kaahin iyo biixi hadhka soo galiyey si bilaa shuruud ah oo aan shardi ku xidhnayn wuxuu 2 sanno kula dagaal galey Muuse biixi in uu noqdo guddoomiyaha xisbiga gushaa ka dib wuxuu garbo galey in murrashax muuse biixi madaxweyne ka dhigo wuxuu galiyey dhaqaale wuxuu u sahan tagey deegaan walba Oo somaliland ka mid ah sidii uu cod uga keeni lahaa wuxuuna ku guuleystay in uu shax dhigo xeelad uu ku guuleysto in murrashaxa kulmiye waxa uu deegaanadii codka laga doonayey usheegay in murashaxaa doortaan iyagoo u arkayey fariin madaxtooyadu u dhiibtay maadaamoo uu ku jiray kaalin culus warkiisana loo dhego nuglaa waxayna noqotay mid kulmiye ku guuleysto.waana ta sababtay in xisbiyada mucaaradku u arkaan in uu ka libin siiyey madaxweyne muuse biixi.
Gebegabadii dadka oddorosa siyaasadda Soomaaliland iyo khaasatan ta Xisbiga Kulmiye ayaa waxay isku raacsanyihiin in imtixaanka Madaxweyne Muuse Biixi horyaalla uu yahay 'Tufis iyo liqis laba xaaladood, oo khatar weyn ku geddamaan tahay', waa se tijaabo kale, oo hoggaaminta madaxweynaha lagu eeggii doonno.
W/Q Mohamoud Fantastic
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!