Roobab Dabaylo Wata Oo Khasaare Dhimasho iyo Dhaawac Isugu Jira Ka Gaystay Xeebaha Somaliland

0
Sunday December 08, 2019 - 12:42:44 in News by
  • Visits: 2563
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Roobab Dabaylo Wata Oo Khasaare Dhimasho iyo Dhaawac Isugu Jira Ka Gaystay Xeebaha Somaliland

    Roobab Dabaylo Wata Oo Khasaare Dhimasho iyo Dhaawac Isugu Jira Ka Gaystay Xeebaha Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Roobab Dabaylo Wata Oo Khasaare Dhimasho iyo Dhaawac Isugu Jira Ka Gaystay Xeebaha Somaliland

Roobab dabaylo wata ayaa khasaare kala duwan ka gaystay xeebaha Somaliland bari ilaa galbeed.

Waxa la shaaciyay haatan in hal qof uu ku dintay, 18 ruux oo kalena ay ku dhaawacmeen dabaylaha iyo daadadka sida oo kale tiro xoolo ah iyo in ku dhow 11 guri ayaa la sheegay inuu iyagana badhna qaaday badhna dumiyay.

Wararkan oo hordhac ah ayaa la filayaa in khasaaruhu uu intan ka sii bato, waxaana maalmahan laga digaayay duufaano ku dhufan doono maamul gobaleedka Puntland isla markaasna soo gaadhi doono xeebaha Somaliland, kaas oo hada bilaabmay.



Ugu horayntii Maxamed Axmed Caalin Tiinbaro badhasaabka gobalk Sanaag ayaa shaaciyay khasaaraha jira isaga oo ku sugan Ceerigaabo " Xaggii Xeebaha roobku waa uu ku xoogan yahay ilaa hadana wax khasaare ah waxa la soo sheegay lix guri oo uu ka dumiyay Maydh iyo shan guri oo uu ka dumiyay Xiis iyo xoolo aan tiradooda la soo sheegin oo uu qaaday, aad ayuu xagaas ugu xoogan yahay.”

Faysal Cali Sheekh guddoomiyaha haayada aafooyinka iyo kaydka qaranka ayaa shaaciyay khasaaraha ay dabaylaha iyo roobabku sababeen, waxaanu ka digay in 48 saacadood ee soo socdana la filaayo inay roobabka iyo dabaylaa uu duufaanku sababay ay sii socon doonaan, waaxaanu isaga oo la hadlaayay Saab Tv uu yidhi " Guryo iyo waxyaabo kale waxbay yeeleen, dad waa ay barakiciyeen xoogaa xoolo ahna waxyeelo ayay u gasyteen dhinaca Saylac iyo deegaanada hoos yimaada, dhinaca barigana guryo ayaa uu dumiyay tuulooyinka Maydh iyo Xiis Laaso-surad iyo aagaas, xoolo waxyeelo ayay u gaysteen wiil dhalinyaro ah waa uu u dhintay, 18 qofna dhaawacyo ayaa soo gaadhay, waxa uu wax u gaystay biyahii Lawyacado, Doqoshi ceelashii milixda ayuu aasay, tuulooyinka Xaashi Cado iyagana waxbuu yeelay.”




Xigasho Geeska
Loading...
Loading...