'' Jeegaan Phobia '' . W/Q: Ahmed Nour Guruje

0
Tuesday March 26, 2019 - 07:58:24 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1540
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Jeegaan Phobia '' . W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Phobia qeexid ahaan waa xanuun ku salaysan cabsi maskaxeed oo qofka u sawirta xaalad cabsiyeed oo aan aan sal iyo raad toona lahayn .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Phobia qeexid ahaan waa xanuun ku salaysan cabsi maskaxeed oo qofka u sawirta xaalad cabsiyeed oo aan aan sal iyo raad toona lahayn .


Ereybixintaas iyadoo lagga shiidaal qaadanayo ayaana badanaa laggu naanaysaa hadba dadka yara kacsan in ay la darisay xanuunkaasi , markaasaa la yidhaahdaa waxaa ku dhacay waxaa iyo phobia , sidda kooxaha hadeer ka dilaacay duniadda reer galbeedka ee la leeyahay waxaa ku dhacay Islamic Phobia .

Hadaba intii ka danbaysay Doorashaddii dhacday 2017 , Waxaad moodaa in taageerayaasha Xisbigga Waddani , gaar ahaan Ardaagii Musharaxa Madaxwayne uu ku dhacday cabsi siyaasadeed oo aan ku dhisnayn xaqiiqo , taasoo aan u bixiyey Jeegaan Phobia .

Jeegaan Phobia , sababta aan magacaas u doortay waxa weeyaan , dadka qaar ayay la noqotay in labadda kooxood ee magacaa ku kulmay ay yihiin kuwo aan sina u kala bixi karin oo waligood is raacsanaanayaa iyo in aan lagga guulaysan karin .

Hadaba inagoo ka duulayna aragtideena ku salaysan in aynu cabsidaa meesha ka saaro , waxaynu is dul taagaynaa labadan qodob .

1- Doorashaddii dhawayd labadda Xisbi ee Kulmiye iyo Waddani waxay kala heleen 55 % iyo 42 % . faraqa u dhaxeeyaana waa 8 % .

2- Labadda kooxood ee is raacay , is raacsanaantoodu kuma dhisna Istaraajiyad balaadhan oo leh xidido waawayn , hassa yeeshee waxay ku dhisnayd is fahamka siyaasiyiin muddo soo wada shaqeeyay .

3- Doorashooyinka soo socda , hadii Xisbiga Waddani la yimaado qorshe siyaasadeed oo ku dhisan waaqaca dhabta ah iyo duruufaha jirra , si fudud ayaa looga guulaysan karaa Xisbigga Kulmiye .

Dadka ay madax martay Cabsida siyaasadeed ee Jeegaan phobia na waxaan odhan lahaa , jeegaantu ma adkee cid la ciyaartay laadahay .


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...