Madaxa Midowga Yurub Oo Booqaneysa Ethiopia

0
Sunday December 08, 2019 - 08:32:38 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1118
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxa Midowga Yurub Oo Booqaneysa Ethiopia

    Madaxa Golaha Midowga Yurub, Ursula Von der Leyen,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxa Golaha Midowga Yurub, Ursula Von der Leyen,
ayaa maanta safarkeedii ugu horreeyey meel ka baxsan Yurub ku tagtay dalka Ethiopia, halkaasi oo Midowga Africa ay u ballan qaadday taageerro xooggan oo reer Yurub ay siiyaan Africa.



Ursula Von der Leyen, oo hore u ahayd wasiirkii difaaca ee Jarmalka ayaa xilkan qabatay toddobaadkii hore, waxayna Addis Ababa kula kulantay Faki Mahamat oo ah madaxa golaha Midowga Africa.


Ursula oo ahmiyadda koowaad siinaysa qorshaha looga hortagayo isbaddelka cimilada, ayaa Addis Ababa ka sheegtay in Midowga Afirca iyo Midowga Yurub ay arrintaasi ka wada shaqeyn karaan.


Ursula iyo Faki ayaa sidoo kale kulankooda uga wada hadlay arrimaha tahriibka dadka Africa iyo waliba amniga.

"Xaqiiqdii, jawaabo uma hayo dhammaan loolanka jira, laakiin waxaan aaminsannahay in si wadajir ah arrintan aan jawaabo ugu heli karno,”sidaasi waxaa tiri Von der Leyen.


Faki Mahamat, madaxa Midowga Afrika ayaa dhankiisa ku baaqay in abaabul caalami ah laga sameeyo sidii looga hortagi lahaa halisyada dhinaca amniga ee ay ku jirto argagixsada.


Ursula ayaa dhinaca kale la kulantay madaxda dalka Ethiopia oo uu ku jiro Ra’iisulwasaare Abiy Ahmed, iyagoo isla soo qaaday sii xoojinta iskaashiga Ethiopia iyo Midowga Yurub.

 

VOA

Loading...
Loading...