Maxaad Kala Socotaa Maalinta Caalamiga Ah Ee Ay Kumannaan Qof Banaanada Seexdaan?

0
Sunday December 08, 2019 - 08:16:24 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1445
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaad Kala Socotaa Maalinta Caalamiga Ah Ee Ay Kumannaan Qof Banaanada Seexdaan?

    Kumannaan qof ayaa seexan doona banaanada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kumannaan qof ayaa seexan doona banaanada
taasi oo ah mid looga gol leeyahay in wacyiglin loogu sameeyo dadka darbi jiifka ah.



Waxay arrintan tahay mid lagu doonayo in lacago loogu uruuriyo dadka guriya la'aanta ah ee darbiyada jiifa.

Maalinta banaan seexashada ama dibad seexashada ayaa waxa laga xusayaa oo lagu qabanayaa 52 dal.

Waxaa arrintan ka qey qaadan doona oo banaanada seexan doona in ka badan 50,000 oo qof guud ahaan caalamka.


Josh Littlejohn oo ka mid dadka soo abaabulay ayaa sheegay in dhacdadani ay noqon doonto guushii ugu waynayd ee uu noolashiisa gaaro.


Mr Littlejohn ayaa afar sano ka hor ka bilaabay maalinka dibad seexashada magaalada Edinburgh waxaana xilligaa ka qey galay 270 qof oo isugu soo baxay fagaaraha Charlotte.


Ka dib markii saddex sano lagu qabanyay Scotland, ayaa sanadkan waxa ay noqotay mid caalamka oo dhn ah waxaan dibadaha seexan doona oo isugu soo bixi doono fagaaraha Times Square ee New York dad badan.

Waxaa sidoo kale ka mid ah meelaha lagu wado in ay dadka isu soo baxaan magaalada New Delhi ee dalka Hindiya.


U jeedada looga gol leeyahay maalinka dibad seexashada ayaa ah in lacago loogu uruuriyo dadka guriya la'aanta ah.


Waxaa sidoo kale lagu cadaadinayaa dowladaha in ay dadka darbi jiifka ah ka caawiyaan sidii ay guriyo u heli lahaayeen.


Waxaa lagu qiyaas guud ahaan caalamka in ay guriya la'aan ku yihiin dad gaaraya 100 milyan oo qof.


Mr Littlejohn, ayaa waxaa uu sheegay in lacagihii sanadihii hore la uruuriyay loogu dhisay dadka guriya la'aanta ah guriya ay tiradoodu dhan tahay 831 guud ahaan Scotland.

 

BBC

Loading...
Loading...