Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland Oo Safar Shaqo Ku Tegay Qaar ka mida Gobollada Bariga

0
Saturday December 07, 2019 - 20:49:39 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1783
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland Oo Safar Shaqo Ku Tegay Qaar ka mida Gobollada Bariga

    Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland Oo Safar Shaqo Ku Tegay Qaar ka mida Gobollada Bariga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland Oo Safar Shaqo Ku Tegay Qaar ka mida Gobollada Bariga
Kampalla(HWN):-Madaxweyne xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta gaadhay Magaalada Berbera Ee Xarunta Gobolka Saaxil, halkaasi oo Madaxweyne ku xigeenka iyo Waftigiisa si weyn loogu soo dhaweeyey.
Safarka Madaxweyne ku xigeenka ayaa ujeedadiisu tahay kormeerka Mashruuca JPLG ee Dawladaha Hoose ee Berbera, Burco iyo Oodweyne, mashruucan oo uu Madaxweyne ku xigeenku gadhwadeen ka yahay ayaa sannadkiiba hal mar uu kusoo kormeeraa Degmooyinka uu mashruucaasi ka socdo.
Image may contain: 9 people, people standing, outdoor and nature


Maayirka Degmada Berbera iyo masuuliyiinta Dawladda Hoose ee Berbera oo uu kulan la qaatay Madaxweyne ku xigeenku ayaa waxa ay ka warbixiyeen geedi socodka Mashuurca JPLG, waxa uga qabsoomay muddadii ay joogeen iyagoo si rasmiya usoo bandhigay wax qabad buuxa iyo taabagelinta qorshihii mashruucaasi, waxaana ay sheegeen inay xooga saareeen Caafimaadka iyo Waxbarashada.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo halkaasi ka hadlay ayaa bogaadin usoo jeediyey Golaha Deegaanka Degmada Berbera oo ay horkacayaan Maayirka iyo Xoghayaha fulinta, waxaana uu ku amaanay masuuliyada xilkasnimada leh ay sameeyeen iyo siday uga dhabeeyeen himiladii mashruucaasi dhankooda.
Image may contain: 5 people, people standing, suit and outdoor

Ugu Horayn Madaxweyne ku xigeenka oo halkasi hadal ka jeediyey ayaa waxa uu yidhi "Waxaa maanta Farxad weyn noo ah inaanu maanta nimaadno Degmadii Berbera kormeerkii sannadlaha ahaa ee mashruuca JPLG-ga, iyadoo aanu sannad walba mar soo marno degmooyinka uu ka socdo mashruucaasi, marwalbana aanu kusoo horayno degmada Berbera”
Image may contain: 11 people, people smiling, people standing and indoor

Madaxweyne ku xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi "Muhiimadu dhaqaalaha uun maaha ee waa siduu wax u maamulo bani aadamku, waa sidaa imika qaramada caalamka waddan dhaqaale badani soo galo, haddana daynta iyo dhibaato iyo wareer ku jira, dal yar oo haddana aan kheyraad lahayn haddana si fiican wixiisa u maamushay, waxaynu u baahan nahay in Degmo walba waxa yar ee ay haysato si wacan u maamulato, maamulka wanaagsan uun baa bani aadamka wax gaadhsiiya, adeegiisana hagaajiya”

Hadhwanaagnews,Office
Kampalla,Uganda


Loading...
Loading...