Wasiirka Maaliyada Somaaliya Oo Kulan La Qaatay Taliyaha Ciidanka Xooga Somaaliya

0
Saturday December 07, 2019 - 15:53:31 in News by
  • Visits: 1717
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Maaliyada Somaaliya Oo Kulan La Qaatay Taliyaha Ciidanka Xooga Somaaliya

    Wasiirka Maaliyada Somaaliya Oo Kulan La Qaatay Taliyaha Ciidanka Xooga Somaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Maaliyada Somaaliya Oo Kulan La Qaatay Taliyaha Ciidanka Xooga Somaaliya

Muqdisho(HWN):- Wasiirka Maaliyadda Somaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa wuxuu maanta la kulmay Taiyahaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage iyo Saraakiil kale oo Xoogga Dalka ka tirsan.

Wasiirka ayaa wuxuu Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka kala hadlay arrimo ku aadan ciidamada, xilli dhawaan la kordhiyay mushaaraadka Ciidamada Qalabka Sida.



Askari kasta ayaa wuxuu hadda uu mushaar ahaan u qaadanaya laba boqol oo dollar, halka oo horey u qaadan jiray boqol iyo soddon dollar.

Wasiirka Maaliyadda oo Taliyaha iyo Saraakiishii la socotay ku qaabilay Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Wasaaradiisu ay dardar-gelisay hawsha dib u habaynta ee Ciidamada Qalabka Sida.

Wasiirka oo ka hadlay waxyaabaha ay ka wada hadleen ayaa yiri "Waxaan ka wada hadalnay hawsha dib u habeanta ciidamada iyo faa'iidada ay leedahay diiwaangelinta casriga ah ee (Biometric).

Muhiimadeena 1aad waa ciidamadeena, waana geesiyaal aan ku faano."

 

Hadhwanaagnews

Muqdisho/office

Loading...
Loading...