Diyaarad Rakaab Ah Oo Ku Dagtay Magaalo Aan Ahayn Tii Ay U Socotay

0
Monday March 25, 2019 - 20:21:03 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 4401
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaarad Rakaab Ah Oo Ku Dagtay Magaalo Aan Ahayn Tii Ay U Socotay

    Diyaaradda British Airways oo ku wajahneyd magaalada Dusseldorf ee dalka Jarmalka ayaa si khaldan ugu dagtay magaalada Edinburgh ee caasimadda u ah Scotland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diyaaradda British Airways oo ku wajahneyd magaalada Dusseldorf ee dalka Jarmalka ayaa si khaldan ugu dagtay magaalada Edinburgh ee caasimadda u ah Scotland.

Arrintan ayaa la sheegay inay dhacday ka dib markii si aan loogu talogalin loo gudbiyay warqadihii ku saabsanaa macluumaadka duullimaadka.


Rakaabkii diyaaradda saarnaa ayaa khaladka dhacay ku baraarugay markii ay diyaaradda cago dhigatay garoonka oo ay maqleen "Kusoo dhawoow magaalada Edinburgh".



Duullimaadka ayaa markii dambe loo gudbiyay magaalada Dusseldorf oo ahayd halkii uu ku socday, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta shirkadda British Airways.


Shirkadda laga leeyahay Jarmalka ee WDL Aviation ayaa duulimaadkan maamuleysay, maadaama uu heshiis wada shaqeyn ah kala dhaxeeyo shirkadda BA.


Maamulka sare ee BA ayaa sheegay in WDL ay kala shaqeynayaan si loo ogaado sababta uu khladakaas u dhacay.

Bayaan ay soo saartay BA ayaa lagu yidhi: "Waan ka raalligalinay macaamiisha laga carqaladeeyay safarkooda, waxaana ula xiriiri doonnaa mid mid".


Hase yeeshee waxay ka gaabsadeen inay sheegaan tirada rasmiga ah ee dadka rakaabka ah ee uu saameeyay khaladkaas.


Dhanka kale, waxay sheegeen in duuliyaha uusan habaabin balse markii uu qorshaha duullimaadka helay uu si toos ah u aaday magaalada Edinburgh.


Diyaaraddan ayaa markii hore ka duushay garoonka magaalada London.


Mas'uuliyiinta WDL ayaa sheegay in ay baarayaan sababta keentay arrintan oo ay ku tilmaameen nasiib darro.

"Wax khatar ah ma aysan soo wajihin nabad galyada rakaabka. Waxaan si nabad ah ugu qaadnay duullimaadka uu lambarkiisu yahay BA3271, ka dib markii hakad aan ku talogal ahayn lagu sameeyay magaalada Edinburgh", ayaa lagu yidhi bayaan kasoo baxay WDL.


BBC

Loading...
Loading...