Jaamacadda Caalamiga Ah Ee Edna Oo Ay Ka Qalin Jabiyeen Arday Barta Cilmiga Ilkaha Lagu Daweeyo.

0
Monday March 25, 2019 - 19:58:22 in News by
  • Visits: 2700
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jaamacadda Caalamiga Ah Ee Edna Oo Ay Ka Qalin Jabiyeen Arday Barta Cilmiga Ilkaha Lagu Daweeyo.

    Jaamacadda Caalamiga Ah Ee Edna oo Dufcadii 2aad ee ka qalin jabisay Cilmiga Ilkaha Xaflad Balaadhan U Qabatay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jaamacadda Caalamiga Ah Ee Edna oo Dufcadii 2aad ee ka qalin jabisay Cilmiga Ilkaha Xaflad Balaadhan U Qabatay



Hargaysa(HWN)Jaamacadda caalamiga ah Ee Edna Ayaa Maanta munaasibad balaadhan oo ay ku sagootiyayso U Qabay dufcadii 2aad ee ka qalin jabisay cilmiga ilkaha,waxaana munaasibadani ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay.



Ardaydan Barta Cilmiga ilkaha ayaa jaamacadda dhiganayay mudo ku siman shan sano kuwaas oo ah dhakhaatiir hadda aqoon buuxda u leh culuumta Caafimadinta ilka kana dawaynaya xanuuno kasta oo qof bukaanka ah la soo darsa.


Madashan ay ku qalin-jabinayeen ayaa waxa ka soo qay –galay wasiir ku xigeenka caafimaad,agaasimaha tacliinta sare iyo marti sharaf kale oo madashan lagu soo casuumay.


Ugu horayn waxa madasha ka hadlay oo xafladda iba-furay Dr Mahdi cabdi oo ah hormuudka ilkaha ee jaamacadda Edna Adan,waxaana uu tilmaamay in xirfadda iyo aqoonta ay ardaydani bareen ay soo bixi doonaan marka ay bulshadda u bilaabaan adeegista cilmiga ay barteen.


Guddoomiyaha Jaamacadda Edna Aadan ayaa ka waramay marxaladihii kala duwaan iyo tabaca ay soo galiyeen ardayday aqoon yahanka ah ee maanta jaamacadda Edni soo saartay.


"ardayda maanta halkan ka qalin-jabinaysaa tiradoodu waxa ay dhan tahay labaatan arday,waxaana hablo ah shan halka shan iyo tobanka kale ay yihiin inamo dhamaantood waxa la galiyay dadaal iyo aqoontii bulshadu ku taqaanay jaamacadda Edna waxaana taasi muujinaysaa sida markasta jaamacadda Edni u ilaaliso tayadda aqoonta oo qofkasta oo ka soo baxay lagu arki karo maanta waxaanu soo saarnay dufcadii labaad oo soo bartay cilmiga ilkaha.


Drs Edna Aadan Ismaaciil ayaa ka hadashay dhibaatadda ay leeyihiin cuduradda ku dhaca ilkahu iyo sida loogu baahan yahay in ardaydani ka soo baxday jaamacadda Edni in ay daweeyaan iyo khibradda ay u leeyihiinba.


Agaasimaha Tacliinta Sare ee somaliland Mudane Axmed Muuse iyo Agaasimaha Macadka guud Ee Haay’adda Shaqaalaha ayaa hoosta ka xariiqay in bulshadda somaliland ay aqoon ku og-tahay jaamacadda Edna waxaana ay ku amaaneen kaalinta muuqata ee ay qaranka somaliland kaga jirto iyo sida ay markasta u soo saarayso arday aqoon yahan ah oon la aqoon ahayn ardayda kale ee jaamacaddaha dalka.


Wasiir ku xigeenka wasaaradda Caafimaad somaliland Naasir Cumar jaamac ayaa sheegay in Drs Edna Aadan Jaamac iyo Waliba Jaamacadeeduba ay qaranka kaga jiraan meel muuqato la mahadiyay,waxaanu uu ardayda ka qalin jabiyay qaybta ilkaha u soo jeediyay in ay noqdaan qaar bulshadooda ugu adeega aqoonta ay jaamacadu soo baraysay mudada ku siman shanta sano.

 


 
 

Loading...
Loading...