Maayarkii Magaalada Nairobi Oo Xabsiga La Dhigay Iyo Dacwadaha Loo Haysto

0
Friday December 06, 2019 - 15:55:31 in News by
  • Visits: 2117
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maayarkii Magaalada Nairobi Oo Xabsiga La Dhigay Iyo Dacwadaha Loo Haysto

    Maayarkii Magaalada Nairobi Oo Xabsiga La Dhigay Iyo Dacwadaha Loo Haysto

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maayarkii Magaalada Nairobi Oo Xabsiga La Dhigay Iyo Dacwadaha Loo Haysto


Nairobi(HWN):-Duqa magaalada Nairobi Mike Mbuvi Sonko ayaa xabsiga loo taxaabay ka dib markii uu dacwad oogaha guud ee Kenya soo saaray warqad amar ah oo uu ku dalbaday in la soo xidho.


Booliska magaalada Nairobi ayaa maayarka ka soo qabtay magaalada VOI oo uu booqsho ku joogay.

Image may contain: 1 person, outdoor


Nuuradiin Xaaji oo ah Dacwad oogaha guud ayaa sheegay in maayarka magaalada Nairobi Mr Sonko la waydiin doono su,aalo ku saabsan halka ay ku maqan tahay lacag badan oo qeyb ka ahayd dhaqaalihii loogu talagalay ismaamulka Nairobi, isagoo intaas ku daray in xafiiskiisa uu hayo caddeymo ku filan.


Dacwad ooge Nuuradiin Xaaji ayaa dhanka kale booliska amar ku siiyay inay ka hor tagaan wax walba oo caqabad ku noqon kara baadhitaanka la xidhiidha lacagta loo haysto maayarka Nairobi.


Maayar Sonko ayaa su’aalo laga weydiin doonaa lunsashada lacag gaareysa Sh 357 million, oo ka mid ah dhaqaalaha ismaamulka, lacagtaasoo la waayey meel ay ka baxday mudadii uu xilka hayey Sonko.

Loading...
Loading...