Madal Uu Madaxwayne Muuse Biixi Joogay Oo Lagu Jabiyay Qodobo Ka Mid Ah Dastuurka Somaliland.

0
Monday March 25, 2019 - 19:11:42 in News by
  • Visits: 4801
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madal Uu Madaxwayne Muuse Biixi Joogay Oo Lagu Jabiyay Qodobo Ka Mid Ah Dastuurka Somaliland.

    Madashii Shalay Madaxwaynahu Ka Jeediyay khudbad Sanadeedkii Oo Dastuurka Somaliland Qodobo ka mid ah lagu jabiyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madashii Shalay Madaxwaynahu Ka Jeediyay khudbad Sanadeedkii Oo Dastuurka Somaliland Qodobo ka mid ah lagu jabiyay.



Hargaysa(HWN)Madaxwaynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi Labadda Golle Qaran Iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali oo Is-barbar Fadhiya ayaa Shalay Waxa ay si wadda jir ah u jabiyeen laba Qodob oo dastuurka somaliland ka mid ah.



Qodobadda ay jabiyeen ayaa kala ah qodobka Toddobaad farqadiisa labaad oo sheegaysa astaanta qaranka iyo waliba qodobka sideed iyo sodonaad oo isna ka waramaya magac waaxda sharci dajinta ee baarlamaanka somaliland,waxaana lagu dhajiyay magac khaldan goobta uu shalay madaxwaynahu ka jeedinayay khudbad sanadeedkii.


Garyaqaan Xildhibaan Maxamed Jaamac ayaa sheegay in eedaasi ay leeyihiin golaha guurtidda somaliland oo aqalkooda lagu qabtay fadhigii wadda jirka ahaa ee ay yesheen golayaasha baarlamaanku.


"erayga ah aqalka sare ee somaliland inagu aqal sare malihin somaliland waxa ay leedahay laba gole oo layidhaah guurtidda iyo wakiiladda,waxaana ay ahayd arin qayrul dastuuri ah oo shalay dhacday walaahi hadaan shalay fadhiyo waxaan odhan lahaa meesha madaxwaynaha ka laaba waayo meesha kuma jirin mana dhacdo sharcigeena kamay mid ahayn wax layidhaah aqal sare oo khalad shacay oo golaha guurtidda ka dhacay ayay ahayd.sidaas ayaa uu yidhi xildhibaanku isaga oo la hadlay horn cable tv.


Xildhibaan Garyaqaan Maxamed Jaamac oo hadalkiisa siiwata ayaa yidhi.ā€¯Khaladka kale ee dhacayna waxa uu ahaa astaanta qaranka oo shimbirta lasoo dhigay meeshu waxa ay ahayd tii masar.


Dhinaca kale siyaasi cabdilaahi jawaan oo ah isagu ninka sameeyay astaanta qaranka oo wali xukuumadu diidan tahay in ay u aqoonsato ayaa tilmaamay in ay nasiib daro tahay meel uu joogay madaxwaynaha somaliland in lagu jabiyay dastuurka qaranka somaliland.


Loading...
Loading...