Wasiirka Beeraha Somaliland Oo Mishiinada Waraabka U Qaybiyay Beeralayda Degmada Xeego

0
Monday March 25, 2019 - 19:07:38 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2326
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Beeraha Somaliland Oo Mishiinada Waraabka U Qaybiyay Beeralayda Degmada Xeego

    Boorama (HWN) Wasiirka Wasaarada Hormarinta Beeraha Somaliland Md. Axmed Muumin Seed oo ay weheliyaan Agaasime Waaxeedka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boorama (HWN) Wasiirka Wasaarada Hormarinta Beeraha Somaliland Md. Axmed Muumin Seed oo ay weheliyaan Agaasime Waaxeedka

Qorshaynta ee Wasaarada Beeraha Sam Axmed Aar, Isku duwaha Wasaarada beeraha ee gobolka Awdal Nimco maxamed Tubeec iyo duqa degmada Xeego Md. Khadar Maxamed Kuuriya ka tirsan Wasaaradiisa ayaa maanta Mishiino iyo Tuubooyinka beeraha lagu waraabiyo u qaybiyay beeralayda 4 tuulo oo hoos yimaad degmada Xeego.



Wasiirka oo la hadlaya beeralaydan ayaa yidhi "Waxa aan maanta idiin wadnaa 40 Mishiin oo ah noocii beeraha lagu waraabinayay oo ay la socdaan tuubooyinkii biyaha ee ceelka lagu ridayay iyo kuwii kale ee lagu sii qaybinayay oo aan ugu talo galnay inay qaybsadaan beeralayda degaananda Xeego, Cadaad, Badanbad iyo Nadhi, waan ogahay in degmada Xeego ay beero badan leedahay, balse intan waxa aan ugu talo galnay in ay dhiig joojin u noqoto beeralaydii ay duufaantii sagar saamaysay, waxana aan qorshaynaynaa in aan taageero intan ka badan soo gaadhsiino beeralayda degmada Xeego"

Wasiirka oo hadalka sii wata ayaa beeralayda degmadan Xeego ku dhiiri galiyay kor u qaadista wax soosaarka waxana uu yidhi "Dalkeena waxa siyaasad u ah oo ay Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenku nagu hagayaan in uu isku filnaasho dhinaca cunta ah gaadho, yoolkaasna lama hiigsan karo hadii aanan beeralayda la taakulayn, anagu waxa aan diyaar u nahay in aan taageerno beeralayda degmadan iyo guud ahaan beeralayda dalka, idinkana waxaan idinka rabnaa in aad ku baraarugsanaataan ahmiyada beerahu leeyihiin oo aad waxsoosaarkiina kordhisaan"

Odayaasha degaanka xeego, beeralay iyo Duqa degmada Xeego ayaa Wasiir Axmed Muumin Seed iyo Wasaaradiisa Beeraha uga mahad naqay deeqdan iyo taageerada joogtada ah ee ay siiyaan beeralayda degamada Xeego.


Wasiirka ayaa intii uu ku sugnaa degmada Xeego waxa uu dhagax dhigay Xarun ay Wasaarada Hormarinta Beerahu ku yeelan doonto degmada Xeego waxana isaga oo ahmiyada xafiiskan tilmaamaya uu yidhi "Xaruntan Wasaarada Beeraha ee Degmada Xeego hadii Alle idmo waxa aan u dhisi doonaa si dhaqso ah, waxana aan aaminsanahay in ay wax badan ka tari doonto xog'ogaal u noqoshada xaalada beeralayda degaanka, sidoo kalena ay suura galin doonto in beeralayda xeego iyo Wasaarada Beerahu ay isku soo dhawaadaan"

Wasiir Axmed Muumin Seed ayaa sidoo kale waxa uu dadka reer Xeego ku baraarujiyay ahmiyada uu degaanku leeyahay waxana uu 30 geed ku beeray Magaalada Xeego gudaheeda, waxana ay talaabadani qayb ka ahayd olole dhir beeris ah oo degmada xeego ka qabsoomaya


Isku Duwaha Wasaarada Beeraha ee gobolka Awdal Ms. Nimo Maxamed Tubeec ayaa soo dhawayday Ahmiyada Xafiiskan, Waxana ay tilmaantay in xafiiskani uu qayb ka qaadan doono kor u qaadista wax soosaarka dalaga beeraha ee degmada xeego, waxana ay balan-qaaday in ay si dhaw ula shaqayn doonto

Wasiirka Wasaarada Hormadinta Beeraha Axmed Muumin Seed ayaa habeenimada Caawa ah waxa uu ku sugnaan doonaa degaanka Xeego, waxana uu maalinta bari ah sii amba qaadi doonaa kormeerkiisa dhinca u kuur galka xaalada Beeraha ah isaga oo soo indha-indhayn doona beeraha iyo beeralayda degmada Baki.

Loading...
Loading...