Ila Meerayso Qaawane Baa U Soo Baxay ( Abdi-Shotaly),

0
Thursday December 05, 2019 - 07:58:48 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2227
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ila Meerayso Qaawane Baa U Soo Baxay ( Abdi-Shotaly),

    Maalinta ciidda waxa dhul-keena lagu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalinta ciidda waxa dhul-keena lagu
ciyaari jirey (gaar ahaan magaaladda Berbera) oo aan yaraantii ku kacaamay, khamaar la yidhaaho " Awgul Yaa Nasiib" lacag baad dhiganaysaa adiga oo is leh wax baad ku heli doontaa ama way kuu laban-laabmi doontaa, adiga oo rejadaas qaba, baa mar qudha waxa kugu soo baxaaya kaadh laga ducaysto, oo dadka khamaarka ciyaarayaa ay yidhaahaan " Qaawanaw ha igu soo bixin"  Hadaba ruuxa aan loo il bixinayni, halkii uu ka filanaayey in uu wax faa'iido, oo ah sababta uu uba ciyaaray khamaarka, baa kaadh-kaasi mar keliya ku soo boodaa" oo la ydihaahaa ka lugee sheekhaw waa lagaa helaye. Waxan u soo qaatay saaka arinta sare ku taal, oo ay tahay ujeedadda aan ka leeyahay, askariggii cidhib dambe dhigi-maayo, oo waxa u soo baxay "Kaadhkii Qaawane" Ruuxii baxaya buuraha jin baa loo bidh-bidhi-yaaye, ila meeraysaddii iyo warwareeg dhamaa, hadba meel isku qaad iyo deeroy dantaa ma is daba mar baa la is-kala daba yimi, beentii isi soo gabtay, oo xaga samadda bay si buuxdda uga soo handaraa-bantay, Geedkii ay askartu goysaaba waa gawlalo iyo jiic, maskax buq, dhira-dhabato sun ah iyo adaahi aan cudur, dawo, biyo iyo raashin mid-na aan loo doonan, xooluhuna aanay daaqin, wax-na lagu falin, wax lagu samays-taana aanay haba-yaraatee jirin. Akhristaw markaa " Xaafad-tooyaddii " Hargeysa iyo dhuuni raac-yaddii dhuq-dhuq-layn jirey, hadeer dhabarka bay jeediyeen, oo kaadhka aan kor ku soo qeexay " Qaawane" Baa faalkii u soo baxay.

 

Meel hayaay ka dhacayso, oo hoogay qaylo ka yeedhay, haadkii uu ka dhergay, haradakii ka batoo, macaluul la hungawday, bay haraddii la raqaayey, hunguufti ay ku dambaysay, haawey baa u sareysa, hunguri-guun u shaqeeya, cidna aan hadh u jiidin, hantiddii ummadda, inta hurgu-feen, ku habsaanshay qabiil. Waxa sidaas u daliil ah, Caalamkii wuu ka jarey dhaqaalihii sidduu u dhamaa, wax-ba meesha ma yaalaan ( waa sidda uu gole ku sheega guurtidda kaga dhawaaqay, oday-ga magaca gaalka lihiye). Sag-xaday ku socotaa, oo gunta bay soo taabatay, daawe aan taayir lahayn baa gaddhiga lagu eryayaa, kaas oo kolba qar kala dhacaaya, ilayn waa bilaa jiho'e, Cago dhigi waydey, oo 12 jeer buu wax kale bedelay intuu kursiga boobay askarigu, xaalka meesha yaalaa waxa weeye " Jiir eri oo bisad ka sii calool weyn keen". wixii uu safiiradda ku sheegi jirey siday u dhamaayeen wuu kala direy, oo wuxu yidhi wax-ba ma qabataan, qaar kale oo indho li'i, dhego li'i ah buu keenay, ee bal maxay soo kordhina-yaan waa kab iyo xaarkeede. Carruutu markay ciyaarayso baa waxay odhan jirtey " Xagu-gebi, xaga kale gebi, guntu walac" halkaas bay maanta taagan tahay, ee yaa wax ku la'? Yaa la eersanayaa? Ama isagu laf-tiisu is canaana-naaya? Badu buurta ha hirdido, bal halkay isla gaadho. Mar baad hubka is wadda hareer ordaysoo, anna hangool iyo gudimo haystee, hoog-tooy wanaagani, waa kaad halay-seen kula hor joogee, ka soo leef hadaba, waakaa wiish kula sare kacaye, ee meel aad ka soo degto-na la'dahaye.

 

Akhritstaw waa-ba "Dhurwaa-ba-dhurwaa ha kuu dhiibo" Ha dhamo dhaxalkii adoogaa, adoon dhiman iil ha lagu dhigo. Waxan ku soo qawlalay maqaalkan, adoon meel fog-ba ka eegin, in ay tani dabadda jeedisay, waxad ku garanay-saan, markii ay soo furan-waday hal doolar, baa iyaba waa yaabka-yaab-kiise, ilayn wax kale ma hayaane, ay gooyeen dhaqaalihii yaraa ee la siin jirey Xusbi-yadda mucaaridka ah, in ay maskax la' yihiin oo siddii candho-buuraha u xintama-yaan ( Way ka qasan tahay ilayn caqli ma jiree). waxay ku fekerayaan, malaha Ucid iyo Waddani Waxay ku socdaan, intan yar ee aad u tuurtaan ee ka xaniba way dhimana-yaane. Duulka sidaa ay tahay maskax-doodu weeye, kuwa ummadda ku wadna gooyey beenta iyo huu-haadda ee inoo sheeganaaya, wax dawlad la yidhaaho baanu hogaaminaa waase ( Maskax asakri iyo caada-deed), oo weliba aynu og-nahay labadda ku hor kaaja waxa ay yihiin iyo dadnima-doodda. Cabdilaahi suldaan Tima-cade ( Ihun) baa waxa ka mid ahaa suugaan-tiisa " Duulkii inkaar qaba, jinaa daasadaw tuma'e" Waxan kaga baxay. Ma waxa cag dhigaaya, oo ifka ciidami-naaya, ummadda ay kuwaasi leeyihiin hor-mood baanu u nahay? Sub-xaanaka yaa-cadiim! Ma taas baa u dambaysay wixii la ogaa siddii lagu soo dhiciyey? Saw tan sii gashay godadka abeesadda, ee haadaan ka duushay siddii baal dabayli wado.

* N.B Gar-Darooy God-Kaagii Ma Laguugu Soo Galay!

Qore:- Abdi-Shotaly.

 

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...