"Waa La Soo Dhaafay Wakhtigii Uu Maxamed Kaahin Ku Doodi Lahaa In Lagu Wareejiyo Xisbiga Kulmiye"…Ex Wasiir Maxamuud Xaashi.

0
Thursday December 05, 2019 - 01:36:08 in News by
  • Visits: 4949
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waa La Soo Dhaafay Wakhtigii Uu Maxamed Kaahin Ku Doodi Lahaa In Lagu Wareejiyo Xisbiga Kulmiye"…Ex Wasiir Maxamuud Xaashi.

    "Waa La Soo Dhaafay Wakhtigii Uu Maxamed Kaahin Ku Doodi Lahaa In Lagu Wareejiyo Xisbiga Kulmiye"…Ex Wasiir Maxamuud Xaashi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waa La Soo Dhaafay Wakhtigii Uu Maxamed Kaahin Ku Doodi Lahaa In Lagu Wareejiyo Xisbiga Kulmiye"…Ex Wasiir Maxamuud Xaashi.

 


Hargeysa(HWN):-Wasiirkii hore ee madaxtooyada dawladii hore ee xisbiga Kulmiye Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ka hadlay damaca ka haya hogaaminta xisbul xaakimka Kulmiye.


Ex wasiir Maxamuud Xaashi ayaa shaaciyey in marka la gaadho shirweynaha xisbiga Kulmiye uu isku taagi doono gudoomiye-nimada xisbiga Kulmiye waxaanu meesha ka saaray tartan dhex mari kara wasiirka arimah gudaha Maxamed Kaahin Axmed.

Natiijada sawirka maxamuud xaashi iyo maxamed kaahin


Ex wasiir Maxamuud Xaashi oo ka hadlaya damaciisa ayaa yidhi "Marka xisbiga Kulmiye shirweynihiisa la qabto haddii ale idmo waxaan isku soo taagi doonaa.”ayuu Ex wasiir Maxamuud Xaashi oo la hadlay hctv.


Sidoo kale waxa uu ka hadlay tartan dhexmari kara wasiir Maxamed Kaahin waxaanu mar kale yidhi "Xiligii uu Maxamed kaahin garta u lahaa ama ku doodi lahaa in lagu wareejiyo xisbiga Kulmiye waa la soo dhaafay”


Dhinaca kale xisbiyada mucaaridka ah ayuu ku eedeeyey inay caqabad ku yihiin doorasho dalka ka dhacda ""Waxay doorashadu mudadii hore oo dhan caqabad ku ahaa oo wadaantu ka jiidmi wayday xisbiyada mucaaridka ah gaar ahaan xisbiga Waddani”


Ex wasiir Maxamuud waxa kale oo uu ka hadlay awoodaha ka dhexjira xisbiga kulmiye ee ku hirdamaya hogaamintiisa "Anagu laba kulmiye ma nihin ee hal kulmiye ayaanu nahay oo waxaanu iskaga mid nahay hami iyo himilo wax qabad oo aanu wada leenahay, barnaamij midaysan oo ah mudo xileedkii koowaad iyo kii labaad ayaanu leenahay.”


Sidoo kale ex wasiir Maxamuud Xaashi ayaa iska difaacay eedaymaha musuq maasuq ee loo jeediyo "Kooxda talada haysaa ama iyaga xagta ama dalka iyo dadka ayeyu xagaan sidaas darteed waxa xaqiiq ah inaanu u xagnay dalka iyo dadka somaliland.”


Dhawaaqa ka soo baxay wasiirkii awooda badnaa ee xukuumadii Axmed Siilaanyo ee xisbiga kulmiye ayaa la filayaa inuu bilaabo khilaaf dibada u soo baxa oo ka dhex dilaaca awoodaha isku haya hogaaminta xisbiga kulmiye kuwaas oo tartan hoose uu haatan ka dhex socdo.



Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland
Loading...
Loading...