Wadanka Ay Ciidamada Bada Itoobiya Saldhiga Ku Yeelanayaan Oo La Shaaciyey.

0
Thursday December 05, 2019 - 01:24:40 in News by
  • Visits: 2675
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wadanka Ay Ciidamada Bada Itoobiya Saldhiga Ku Yeelanayaan Oo La Shaaciyey.

    Wadanka Ay Ciidamada Bada Itoobiya Saldhiga Ku Yeelanayaan Oo La Shaaciyey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wadanka Ay Ciidamada Bada Itoobiya Saldhiga Ku Yeelanayaan Oo La Shaaciyey.


Adis Ababa(HWN):-Ciidamada bada ee ay samaysanayso dawlada Itoobiya ayaa la shaaciyey wadanka ay ku yeelan doonaan saldhiga ay dagayaan.


Ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay in saldhigoodu uu noqon doono wadanka Jabuuti.



Dalka Itoobiya oo aan lahayn bad ayaa raysal wasaare Abiy Ahmed ku dhawaaqay inuu dhisayo ciidan xoog badan oo bada u qaabilsan wadanka Itoobiya iyada oo su,aalo layska waydiiyey halka uu saldhigoodu noqon doono ciidamada bada ee Itoobiya maadaama aanay lahayn wax bad ah.



Wargeyska The Capital ee ka soo baxa wadanka Itoobiya ayaa todobaadkan shaaciyey in wadanka Jabuuti uu noqon doono dalka marti gelinaya ciidamada bada ee dawlada Itoobiya samaysatay isla markaana saldhigoodu noqon doono caasimada wadanka Jabuuti.


Wargeyska ayaa sidoo kale sheegay in raysal wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed iyo madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ay dhawan ka wada hadleen saldhiga ay ciidamada bada ee Itoobiya ku yeelanayaan wadanka Jabuuti.


Dalalka ay ka mid yihiin Somaliland,Suudaan iyo Eritrea balse wargeyska the Capital ayaa sheegaya in wararku uu helayo ay sheegayaan in saldhiga ciidamada bada ee dalka Itoobiya uu noqon doono wadanka Jabuuti.


Dalka faransiiska oo Itoobiya ka caawinaya dhismaha ciidamada bada waxaanay wararku sheegayaan in madaxweynaha faransiisku uu ka codsaday raysal wasaaraha Itoobiya in saldhiga ciidamadiisa bada uu ka dhigo wadanka Jabuuti, halka madaxweynaha Jabuuti uu wadanka faransiiska culays ku saaray inay Itoobiya ku qanciyaan inuu saldhig ka siiyo wadankiisa ciidamada bada ee uu samaynayo raysal wasaaraha Itoobiya.


Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland
Loading...
Loading...