Ex Wasiir Cali Mareexaan Oo Doorka Wada Hadalada Uu Ku Leeyahay Dalka Turkigu Farta Ugu Fiiqay Madaxwayne Muuse Biixi.

0
Monday March 25, 2019 - 18:39:37 in News by
  • Visits: 3715
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ex Wasiir Cali Mareexaan Oo Doorka Wada Hadalada Uu Ku Leeyahay Dalka Turkigu Farta Ugu Fiiqay Madaxwayne Muuse Biixi.

    Ex Wasiir Cali Mareexaan Oo Doorka Wada Hadalada Ee Turkiga Farta Ugu Fiiqay Madaxwayne Muuse Biixi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ex Wasiir Cali Mareexaan Oo Doorka Wada Hadalada Ee Turkiga Farta Ugu Fiiqay Madaxwayne Muuse Biixi.


Hargaysa(HWN)Wasiirkii hore ee wasaarada hawlaha Guud ee xukuumadii madaxwayne siilaanyo Ayaa Difaacay Dawladda Turkiga oo madaxwayne muuse biixi cadeeyay inaanay noqon Karin mid hadda kaligeed dhex-dhexaadisa somaliland iyo somaliya.


Wasiir Cali Mareexaan ayaa tilmaamay in Dawladda Turkigu ay tahay dawlada kaliya ee wada hadaladda u magacowday ergay gaar ah oo dhex-dhexaadiya arimaha ay isku hayaan labadda dawladooda.



Cali Mareexaan ayaa geesta kale tilmaamay in muhiimadda ay dawlada turkigu siinayso wada hadaladda somaliland iyo somaliya ay bulshadda iyo beesha caalamkuba ay Arki karto,waxaana uu dawladaha kale ku tilmaamay in ay iyagu yihiin qaar gabay muhiimadii ay siin lahayeen wada hadalka.


Wasiir cali mareexaan oo qoraal uu arintaasi kaga hadlayo oo uu soo dhigay dagalka uu ku leeyahay facebooga ayaa u dhignaa sidan.


"In kastoo aynu dalka turkiga wax badan ku kala gedisan nahay, hadana madaxweynaha turkigu waa hogaamiyaha keliya ee ergay gaar ah u magacaabay wada hadalada somaliland iyo somalia. Sidaas ayaa uu yidhi.


Intaas waxa uu ku daray wasiirkii hore ee hawlaha guud cali xasan maxamed(Cali Mareexaan) isaga oo hadalkiisa siiwata.”Dawladaha egad, eu, usa, carabta iyo cidkale toona talaabadaa may qaadin. Arintaa turkigu wuxuu siiyey ahmiyad gaar ah.


Madaxwaynaha somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa isagu ka Gaws-adayga in wada hadaladda ay yeelan doonaan Dawladda Somaliland Iyo Somaliya ay kaligooda ku kaliyaystaan dawlada turkigu waxaana uu dhawaan sheegay in dawladda kale ay soo codsadeen in laga qayb-galiyo,balse wasiirkii hore ee hawlaha guud cali xasan maxamed ayaa isagu qaba fikir taas ka duwan,waxaana uu garawsan yahay sidii dawlada turkigu ku bilawday wada hadalka iyo waliba doorka muuqda ee ay siinayso markasta.



Loading...
Loading...