Jamhuuriyada Somaliland Cidii Ay Wax Isku Darsadeen Lama Odhan Jirin Jamhuuriyada Federaalka Somalia Ee Yey La Hadlaysaa? !!!

0
Saturday February 02, 2019 - 19:43:50 in Articles by Super Admin
  • Visits: 1197
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 3
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Jamhuuriyada Somaliland Cidii Ay Wax Isku Darsadeen Lama Odhan Jirin Jamhuuriyada Federaalka Somalia Ee Yey La Hadlaysaa? !!!

    Dawladnimadaa lagu midoobay waxa loo bixiyey jamhuuriyadii somalia ama somali republic waxaana uu magacii wax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawladnimadaa lagu midoobay waxa loo bixiyey jamhuuriyadii somalia ama somali republic waxaana uu magacii wax Somaliland oo loo yaqaanay Somaliland British protectorate ama mahmiyadii ingiriiska ee dhulka somalida ayaa waxa ay xornimadeedii dawladnimo ka qaatay dalka boqortoyada ingiriiska taariikhdu markay ahayd 26 June 1960 kii, maalmo kooban ka dib ayaa waxa ay somaliland la midowday Somali Italian Colony ama somaliyadii uu haysan jiray gumaystihii talyaanigu 1 july 1960kii iyada oo ujeedaduna ahayd in shantii Soomaaliyeed dawlad iyo dal kaliya isku noqdaan.

Dawladnimadaa lagu midoobay waxa loo bixiyey jamhuuriyadii somalia ama somali republic waxaana uu magacii wax wada lahaanshuhu ahaa jamhuuriyada somalia, iyada oo sidaa la yahay ayaa nidaamkii kalitaliska ahaa dalka qabsaday 1969kii iyaga oo magacii iyo nidaamka wax ka bad badelay oo aan laga hadli karayn cidina waxba iska weydiin karayn wakhtigaa oo uu nidaam ciidan iyo xoog dalka lagu haystay.
 
Dalkii waxa uu burburay taariikhdu markii ay ahayd 1991kii , somaliland waxa ay la soo noqotay dawladnimadeedii 1960kii ay ku darsatay somalidii talyaanigu haysan jiray, ka dib markii ay rumoobi wayday himiladii shantii Soomaaliyeed halgano adag oo qadhaadhaa ka dib.
 
Haddaba maanta oo ay Somaliland dawlad tahay 28 sanadood oo ay bilo koobani ka hadhsan yihiin walina aanay haysan aqoonsi caalamiya sababtuna ay tahay waxa lala sugayey inta ay dawlad cagaheeda isku taagta oo lala hadli karo ay noqonayaan dhinacii kale ee ay somaliland wax wada lahaayeen, ayaa waxa dhacay waxyaabo badan oo aan is leeyahay somaliland sidaasi ayey aqoonsi buuxa ku haysataa;
 
Waxyaabaha waxa ka mid ah somaliland cidii ay wax wada lahaayeen ee ay 1960kii wada samaysteen dawladii la odhan jiray jamhuuriyada somalia ama Somali Republic waxa ay ka guureen magacii iyo waxii ay somaliland wax kuwada lahaayeen waxaana ay la baxeen jamhuuriyada federaalka soomaaliya.
 
Markaa su'aalaha isweydiinta lehi waxa weeyaan waxii markii hore la isku darsaday ee lawada lahaa , hadii dhinac sumadii iyo magacii wax lagu wada lahaa ka guureen sidee ayuu noqonayaa sharciyada wada hadalka jamhuuriyada Somaliland iyo jamhuuriyada federaalka somalia?
 
Miyaan la isweydiin karin in ay somaliland sidaa aqoonsigeegii sharciga ahaaba ku haysato maadaama iyada oo aan waxba la iska weydiin waxii jamhuuriyadii somalia wada lahayd oo ay cid gaar ahi iska maamulatay , sharciyadii iyo nidaamkii wax lagu wada lahaana ee lagu wada hadli lahaa ay ka guureen oo ay samaysteen dawlad magac kale leh oo la yidhaahdo jamhuuriyada federalka soomaaliya?
 
Isweydiintii iyo aragtidii
@Muhamed Dhimbiil

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...