Maxkamada Sare Oo Loo Gudbiyey Dacwad Ka Dhan Ah Mudo Kordhintii Golaha Guurtidu Sameeyeen

0
Wednesday December 04, 2019 - 13:19:35 in News by
  • Visits: 2996
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamada Sare Oo Loo Gudbiyey Dacwad Ka Dhan Ah Mudo Kordhintii Golaha Guurtidu Sameeyeen

    War Deg Deg Ah:Golaha Guurtida Soomaliland Oo Dacwad Laga Gudbiyay Iyo Cida Ka Gudbisay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:Golaha Guurtida Soomaliland Oo Dacwad Laga Gudbiyay Iyo Cida Ka Gudbisay


Hargaysa(HWN):-Golaha madasha iyo Wada Tashiga Soomaliland oo ay ku midobeen xubno ka mida hadloorka dalka,ayaa maanta dacwad ka gudbiyay golaga guurtida Soomaliland,  dacwadaasi oo ku wajahan muddo kordhinta ay u samayeen golaha wakiilada iyo hanaanka ay wajahayaan khilaadka doorashooyinka dalka.



Golaha madasha wada tashiga ayaa kulan sacaado badan qaatay la qaatay gudoomiyaha maxkamada sare ee Soomaliland,taasi oo ay usoo bandhigeen dacwada ay kawadaan golaha guurtida,ayaa ka aqbalay dacwadaasi.

Kulankii  ay la qateen madasha wada tashigu gudoomiyaha maxkamada sare ayaa waxa warbaahinta la hadlay oo uga warbixiyay dacwada ay ka gudbiyeen,golaha guurtida,xasan Guure Jaamac Waxana uu yidhi

"Saddax wado unbaa banaan marka dawlad laga cabanayo,mid wuu soo dhamaado kii qoriga ayuu ahaa wakhtigiisi wuu dhamaday kaasi ma jiro,ka kalana waxa weeyi in dhinaca siyaasadu ay shaqayso oo murankoodu dhamaado,golayasha wakhtigooda lagu doorto,muwaadinintuna inaga sugaysa,mida kale siyaasada iyo kursiga la wadaago ayay ahayd tiina way fashilantay,waxaan is nidhi hadaba dariiqa kaliya ee banaani,asxaabtana mudaharad u yeedhi mayno oo isku soo baxa odhan mayno,waxaan u eeranay maxkamada sare ee dastuuriga inay dib u eegto go,aanaada ay gadhayaan golaha guurtida khasatan,oo guurtida waxaan u aragnaa inanay sharci ahayn iyagu laftooda,"ayuu yidhi Xasan Guure


Xasan Guure Jamac oo hadalka sii wata ayaa yidhi"waxaan sharci ahaynina sharci ma samayn karo dad muwadinana ayay ahayeen 22 sanno ayay gaadhaysa marka lagu darro mudada loo kordhiyay,waxay ahayd in ay 4 qalo isbadalaan,oo afar qalo oo gurtiya is badalaan oo kolba laba qolo la eego,waxaan ognahay inay hada dhaxal marayso,oo hadii ay sida golaha wakilada ay jogaan sidii kuwii hore,marmarsiiyo ayay ahaan lahayd,kuwii xata ma jogaano waa maqaar saar,maxakamada waxaan u gudbinay dacwad,aan kaga soo horjeedno guurtida iyo sharciyadeeda iyo go,aanka ay gaadhay sharciyadeeda,tasaan maxkamada dastuuriga dacwadeeda u gudbinay,waana daw dastuurigu bixiyay,ee maxkamada dastuuriga loola eerto waxii dawlada iyo golayaasha laggaga cabanayo,dacwadii gudoomiyuhu wuu naga aqbalay"ayuu yidhi xasan 


Mar Kale Xasan Guure oo hadalka sii wata ayaa yidhi"gudoomiyuhu sibuu u darsayaa waana  jawaabteedana waan ka sugaynaa iyo xiliga uu qaadayo,cidkasta oo tabanaysaana way u banaantahay maxkamada sare waana marinka kaliya ee dal lagu badbaadin karo"Ayuu Yidhi Xasan Guure Jaamac .

No photo description available.
Image may contain: text

 



HadhwanaagNews.com 
Hargaysa/Office
Loading...
Loading...